Warbixinta Agaasimaha Komishanka Qaranka ee AIDS-ka munaasibada ka jeediyay.


Hargeysa(ANN)-Munaasibad balaadhan oo lagu xusaayey maalinta Caalamiga ah ee Xannuunka HIV/AIDS, ayaa lagu qabtay maanta magaalada Hargeysa, waxaana munaasibada oo ay soo qaban qaabisay xarunta komishanka Xakamaynta AIDS-ka, ee (SOLNAC) kasoo qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Wasiirada Wasaaraddaha Caafimaadka, Warfaafinta iyo Ciyaaraha, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Guurtida iyo Wakiilada.

Agaasimaha Guud ee Komishanka Qaranka AIDS-ka Cabdishakuur Prof.  Ismaaciil Muumin Aar 1 Desember 2019, Araweelo News Network.
Agaasimaha Guud ee Komishanka Qaranka AIDS-ka Cabdishakuur Prof. Ismaaciil Muumin Aar 1 Desember 2019, Araweelo News Network.

Madaxweyne ku xigeenka oo hadal ka jeediyay madashaa, ayaa sheegay in loo baahan yahay in sannadkiiba hal mar lays xasuusiyo maalintan caalamiga ah ee xuska xannuunka AIDS-ka, isagoo yidhi, “Waxaa maanta sharaf inoo ah dhammaanteen inaan kasoo qeyb galno maalintan loo asteeyey in lagu xuso maalinta AIDS-ka ee adduunka, iyadoo looga jeedo in maalintani ay noqoto in sannadkiiba mar lays xasuusiyo dhibaatada xanuunkani leeyahay, sida loo daweyn karayo, sida looga hortagi karayo iyo sida loola macaamili karayo dadka xannuunkani ku dhacay wacyi weyna layska siiyo, iyadoo ay wacyi gelintu joogto tahay”.

xuska maalinta Caalamiga ah ee Xannuunka HIV/AIDS, 1 Desember 2019, Araweelo News Network.
xuska maalinta Caalamiga ah ee Xannuunka HIV/AIDS, 1 Desember 2019, Araweelo News Network.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay maanta adduunyadu dedaal weyn ugu jirto sidii daawo rasmi ah loogu heli lahaa xannuunkaasi waxaana uu yidhi markale Madaxweyne ku xigeenku “Imika dunidii waxay gaadhay in dawooyin fiican la helay innaguna in ninkii muslimka ahaa ee walalkaa ahaa aan foqooqno dadka caalamka ugu dhaqaalaha badan sida William Henry Gates oo kalena inuu adduunyada maanta ku bixinayo Bilyan Doolar sidii uu ummaddaa dawo ugu heli lahaa, miyaanay nasiib daro ahayn ninkii aan islaamka ahayn uu damqanayo uu lacagtiisii maanta ku bixinayo sidii loo heli lahaa dawo rasmi ah oo lagaga bugsado innaga damiirkeenu waa inuu ina faraa inaan qofkaa wixii aan u qaban karno aan u qabano”.

Ugu danbayntiina waxa halkaasi Madaxweyne ku xigeenka lagaga qaaday shaybaadhka ogaanshaha iyo fayo qabka cudurkaasi, isagoo Madaxweyne ku xigeenku tusaale u noqday Bulshadu inay ku dhiirato baadhitaanka xannuunkaasi si caafimaadkooda ula socdaan.

xuska maalinta Caalamiga ah ee Xannuunka HIV/AIDS, 1 Desember 2019, Araweelo News Network.
xuska maalinta Caalamiga ah ee Xannuunka HIV/AIDS, 1 Desember 2019, Araweelo News Network.

Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee Komishanka Qaranka AIDS-ka (SOLNAC)-Cabdishakuur Prof. Ismaaciil Muumin Aar oo ka hadlay mudadii uu Agaasimaha ka ahaa wixii u qbsoomay iyo qorshaha uu doonayo in lagu xakameeyo xanuunka.

Agaasime Cabdishakuur, wuxuu sheegay in sannadkii 2018 ay i baadheen 4,000 qof, waxana xannuunka laga helay 239 qof, oo u dhiganta 5.8%. sanandkan 2019, 1380 qof ay la nool yihiin xanuunka oo ay qaatan dawadda, kuwaas oo sida uu sheegay 60% ay yihiin haween.

Wuxuu sheegay Agaasime Cabdishakuur in Hargeysa ay dadka ugu badan ka qaataan dawooyinka, kuwaas oo tiradooda uu ku sheegay 1227, sidoo kale wuxuu xusay inay is baadheen 36 qof oo ahaa lamaanayaal 2019, kuwaas oo doonayay inay is guursanaan, kuwaas oo sida uu sheegay 19 ka mid ah laga helay HIV/AIDS, sidoo kale wuxuu sheegay inay sanandkan 55 qof u dhinteen inta la ogyahay, isagoo ka dhawaajiyay in baadhitaanku aad u yaryahay.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo masuuliyiinn kale oo ka qaybgalay maalinta xuska AIDS-ka 1 Desember 2019, Araweelo News Network.

Komishanka Qaranka ee Xannuunka HIV/AIDS-ka, ayaa munaasibada xuska maalintan uga faa’idaystay inay raashin iyo daawooyin dadka la nool xannuunkaa ee Magaalada Hargeysa.