Djibouti(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigii uu hoggaaminayay, ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay maanta dhabaha diyaaradaha ee Egal International Airpor ee Magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Biixi, iyo wefdigiisa,ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Hargeysa, waxaana loo gelbiyay dhanka Madaxtooyadda, isagoo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyadda Somaliland, wuxuuna ka waramay waxyaabaha ay kala soo kulmeen shirkii ay dalka Djibouti kaga qaybgaleen ee la doonayay  in lagu wada hadalsiiyo labada dal ee Somaliland iyo Soomalaiya.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si qoto dheer uga warramay shirkii u dhexeeyey Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya iyo waxyaabaha uu kaga duwanaa shirarkii hore u dhici jirey ee bilaa natiijada ahaa, “Shirkani waxa uu kaga duwanaa kuwii hore waxa aynnu nasiib u yeelannay in la helo fagaare adduunka dawladihii ugu waaweynaa shir ay soo qaban qaabiyeen oo ay wadaan dawladdo Maraykanku ugu horrayso oo ay kasoo qaybgeliyeen dawladaha Yurub kuwii metelayey, Afrika kuwii metelayey, dawlado kale oo madax bannaanna cid ka wakiil ahi ay joogtay, loona xilsaaray inay dawladda Jabuuti marti-geliso, maadaama madaxweynaha Jabuuti uu yahay madaxweyne Soomaali ah oo soomaali dhaqankeeda yaqaan ee garanaya waxa la isku hayo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sharraxay shuruudihii ay qaran ahaan beesha caalamka kula garnaqsadeen iyo  rabitoonkooda la xidhiidha inaanu shirkaasi noqonin gacmo daalis iyo waqti lumis, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Markii hore arrinta waxanu ku galnay ma doonayno shir inta la isu yimaaddo la isa salaamo oo walaal-walaal la yidhaahdo la kala tagee, haddii hawsha si dhab ah loo gelayo oo muddaysan oo mid walba waqtigeeda la qabanayo oo ama hallagu heshiiyo ama halla isku diidee si dhab ah loo wada hadlayo diyaar baannu nahay, laakiin uma baahnin mid food lagu gelayo iyo mid cid sawir lagu tusayo midna.”

 

Farriin cad oo aqoon iyo garnaqsi ka muuqdo ayuu madaxweynuhu adduunka intiisa kale u diray, isaga oo ka codsaday inaanay marnaba aqbali doonin caddaalad-darrada iyo garsoor la’aanta uu caalamku Somaliland kala hor yimi,“Caalamka waxannu u sheegnay, haddana u sheegaynaa idinkaa soomaali ahe heshiiya ma soconayso, wada-hadlana ma soconaysee beesha caalamka ee maraykanku ugu tun weyn yahay waxannu leenahay laba dawladood oo is dilay baannu nahay, dawladdii waxay naga duntay 1991-kii, laba dawladood baannu  kala dhisannay, waxadse ictiraafkii naga dhexeeyey iyo dhaqaalihii naga dhexeeyey siiseen Soomaaliya, annaguna yeelli maynno qolo aad intaas wada siiseen inaanu la hadalno oo aannu u baryo tagno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu guud ahaan bulshada reer Somaliland, madaxdeeda, wax-garadkeeda, aqoonyahankeeda, madax-dhaqameedkeeda iyo siyaasiyiinteedaba ugu baaqay inay isku duubnaadaan, wax kasta oo qarannimadooda iyo hankooda ka dhan ahna meel uga soo wada jeestaan.