wasiirka Arrimaha Debeda Dr Biixi YoonisHargeysa(ANN)Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa bilawday olole taageero iyo dhaqaale loogu raadinayo dadka qaxootiga ah ee ka soo qaxay dagaalada ka socda dalka Yemen, kuwaasoo qaybihii u horreeyey soo gaadheen magaalada Berbera maalmihii lasoo dhaafay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo safar dalka dibadiisa ah ku maqaan, ayaa waraysi uu siiyey wargeyska the guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, ayaa sheegay inuu wadahadalo la xidhiidha qaxootiga Yemen la leeyahay Midawga Yurub iyo hay’adda dhinaca gargaarka u qaabilsan Maraykanka ee USAID.

“Waxa aannu filaynaa in qaxooti gaadhaya ilaa 2.000 (Laba kun) oo ka socda dalka Yemen ay soo gaadhaan Somaliland, taasina waxay noqon doontaa mid culayskeeda leh oo caqabad ah… waxa aannu hore u haynay qaxooti badan oo Itoobiyaan ah, qaar Soomaaliya ka soo yaacay iyo dad gudaha dalka ku baro-kacay, laakiin waxa aannu rajaynaynaa in beesha caalamku u timaad oo ay nagala shaqayso sidii loo badbaadin lahaa {qaxootiga Yemen.} ee u soo qaxaya dhinaca Somaliland,” ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dawladda Somaliland si dhaw ula socoto arrimaha khuseeya ammaanka si looga hortago in dad argagixiso ah ku soo dhex dhuuntaan qaxootiga Yemen, waxaannu yidhi; “Waxa aannu leenahay ciidan iyo hay’addo baadha qaxootiga Yemen, waxaanan diyaarinaynaa qorshayaal degdeg ah oo arrimahaas la xidhiidha, markaa iyadoo aannu soo dhaweynayno dadka qaxootiga ah ee Yemen, haddana waa in aannu feejignaano, isla markaana hubino in aanay xubno ama kooxo xag-jir ah noogu soo dhex dhuuman, annagoo si haboon oo sax ah u baadhayna, una kala hubinayna cidda qaxooti saxa ah iyo cidda kale ee dhib doonaysa.”

Warbixin wargeyska The Guardian ka qoray qaxootiga Yemen oo qaybo ka mid ah Jamhuuriya soo qaatay, ayaa lagu sheegay in dadka qaxootiga ah ee go’aansada inay gaadhaan dekedda Berbera ee dalka Somaliland ay ku qaadato safar dhan 12 saacadood oo ay ku jiraan badda, iyadoo sidoo kale masuuliyiinta Hay’adda UNHCR u sheegeen wargeyskaas in Somaliland hadda martigeliso qaxooti gaadhaya 2,153 (laba kun, boqol, konton iyo saddex) badankoodu yihiin Itoobiyaan iyo 6,805 (lix kun, siddeed boqol iyo shan) dadka baro-kacayaal ah, iyadoo ay intaasna dheer yihiin qaxootiga u dameeyey ee ka soo qaxay dagaalka Yemen.

“Qaxootiga Yemen ee soo gaadhay Somaliland waxa ka mid ah carruur, dumar iyo odayaal waayeel ah, kuwaasoo sheegtay inay ka soo qaxeen dagaalka Yemen, gaar ahaan magaalada Ticis.” Sidaa waxa yidhi Carlotta Wolf oo ah afhayeen u hadlay hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.
Source: Jamhuuriya.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews