Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka digtay in Hub loo fasaxo Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, waxayna uga digtay dalalka Eritrea iyo Turkiga inay aqbalaan hubkaa in la siiyo dawladda Madaxweyne Farmaajo.

Sidaana waxa sheegay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye, isla markaana ah Af-hayeenka Xukuumadda Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, wuxuuna ugu baaqay beesha Caalamka khatarta uu Hubka la siinayo Dawladda Soomaaliya sii hurinayo collaada gobolka.

“Dawladda Soomaaliya ee Farmaajo, waxay horre Hub u weydiisatay Eritrea iyo Turkiga oo horreba u siiyay, waana inay fahmaan in haddii hubkaa lasoo daayo uu geeska Afrika u horseedayo dhibaato iyo collaado cusub.” ayuu yidhi. Maxamed Muuse Diiriye.


Wasiirka, ayaa sheegay in haddii hub lasiiyo Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ay Somaliland iyaduna xaq u leedahay in loo fasaxo Hubka.


Sidoo kale, wuxuu ka hadlay deynta Dawladdii horre ee Soomaaliya ee burburtay lagu lahaa oo dawladda Soomaaliya ku dooday in laga saamaxo si lacag loo siiyo,


wuxuuna sheegay in haddii deyntaa laga saamaxo, kadibna lacag loo soo daayo aannay lacagtaas noqonayn mid si fiican loo maamulo, isla markaana aannu waxba ka siinayn Madaxweyne Farmaajo Maamul goboleedyada oo uu sheegay inay xilliganba isla liitaan.


“Waynu ognahay in Maamul goboleedyada uu dhibaato iyo culays ku hayo, Jubbaland, Puntland, Koonfur galbeed iyo Gal-mudug oo uu hadda ku dhexjiro, waad aragtaan wuxuu ku hayo, Maamulka Farmaajo, haddii uu dhaqaalahaa helana wuxuu isku deyayaa inuu gobolka oo dhan Khal-khal ku geliyo, markaa waxaan leenahay deyntaasi, waa deyn lagu lahaa dawladdi duntay, markaa lacagta la siin doonnaa waxay noqonaysaa mid uu keligii maamulo oo u adeegsado fad-qalalo iyo inuu maamul goboleedyada ku bur-buriyo, kadibna annaga (Somaliland) noogusoo tallaabo, Markaa aduunku haddii uu wax siinayo dal degan oo Soomaaliya la yidhaahdo waxba kama qabno, balse ninka Deynta laga saamaxayaa ee Hubka la siinayaa waa Nin Vella Somalia degan oo doonaya inuu carqalad ku abuuro dhaqaalahaa, markaa waxaan uga digaynaa Eritrea , Turkiga, EU, IGAD iyo Beesha caalamka inay ka digtoonaadaan arrintaa.” ayuu yidhi, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye.