Addis Ababa(ANN)-Safiir ku-xigeenka Safaarada Somaliland ee dalka Itoobiya, danjire Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa sheegay kala duwanaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya ay tahay mid cad, waxaanu tusaale u soo qaatay in qofka sita baasaboorka Soomaaliya aanu geli karin dalka Jamhuuriyadda Somaliland isagoo aan xafiisyada dalku ku leeyahay dibadda aan ka sidan dal-kugal

 

Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa shaaciyey inay Itoobiya tahay dalka ugu muhiimsan ee ay cilaaqaad Ganacsi iyo mid Nabadgelyo la leh Somaliland, wuxuuna sidaa ku sheegay waraysi dheer oo uu siiyey Wargeyska Addis Standard.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, oo soo xiganaysay waraysigaa oo ay soo koobtay, waxay ku sheegtay in sidoo kale Danjire Kaariye oo ka hadlayey dhinaca wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya,  uu sheegay inay Somaliland iyo Soomaaliya  u wada hadlayaan labada dal.

Waxaanu tilmaamay in Jamhuuriyadda Somaliland ka rabto Soomaaliya inay aqoonsato guulihii Somaliland gaadhay 30 kii Sannadood ee la soo dhaafay oo ay ka madax bannaanayd Soomaaliya inteeda kale isla markaana ay u Halgamayso Aqoonsi buuxa oo ay hesho.

Mr. Kaariye waxa kaloo uu ku dooday inay Soomaaliya la gudboon tahay inay qirato masuuliyadda xasuuqii ay dawladdii Millatariga aheyd u geysatay shacabka Somaliland intii midowgii labada dal aanu burburin. Taasi oo uu madaxweyne Farmaajo qirtay isla markaana raaligelin ka bixiyey, wuxuuna ku booriyey inay Soomaaliya la gudboon tahay inay u aqoonsato Somaliland dal madaxbannaan.

Safiir ku xigeenka Somaliland u fadhiya Itoobiya, waxa uu soo dhaweeyey qorshaha dib u bilowga wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya ee ay dhawaan bilaabeen Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Jabuuti iyo himilada isdhexgalka dalalka Geeska Afrika oo uu ku sifeeyey mid wax ka taraysa xasiloonida dalalka jaarka ah.

Barkhad Kaariye oo la weydiiyey waxa uu ku tilmaami karo xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka la jaarka ah, waxa uu bayaamiyey inay Somaliland ay muddo 30 Sannadood ah ku naaloonaysay nabad iyo xasilooni, waxaanu xusay inay ilaaliso ammaanka xuduuddaheeda oo ay ku kharash garayso inta ugu badan miisaaniyad Sannadeedka Qaranka, si loo xaslado ammaanka soohdimaha ay Somaliland la leedahay mandaqada

Waxaanu intaas ku daray inay Somaliland aaminsan tahay nabad iyo wax wada qabsi kula noolaato jaarkeeda.

Mr. Barkhad oo la weydiiyey waxa uu ku sifeyn karo xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, waxa uu ku tilmaamay cilaaqaad walaaltinimo, waxaanu caddeeyey in aanu xidhiidh diblomaasiyadeed oo kaliyi aanu ka dhexaynin, balse Somaliland iyo Itoobiya ay wadaagaan iskaashi bulsheed oo labada ummadood ka dhexeeya.

Danjire Barkhad waxa uu xaqiijiyey inay labada dal wadaagaan soohdin dheer oo ay si wadajir ah u ilaashadaan.

Waxa kaloo uu intaas ku daray inay Somaliland iyo Itoobiya ay wadajir ula dagaalamaan ganacsiga sharci darrada ah,isla markaana ay u arkaan Itoobiya inay tahay dalka ugu muhiimsan ee ay la leeyihiin iskaashi Ganacsiga, nabadgelyada iyo xidhiidhka labada shacbi.

Danjire Barkhad Kaariye, waxa uu Waraysiga uu siiyey Wargeyska Addis Standard, si qotodheer uga hadlay sida ay Somaliland u istaahisho inay aqoonsi caalamiya ka hesho Adduunka, waxaannu si adag u difaacay madaxbannaanida Saxaafadda, Xuquuqda Aadanaha iyo marxaladihii kala duwaa ee Jamhuuriyadda Somaliland u soo martay madaxbannaanideeda.