Araweelo News Network

WAR-SAXAAFADEED

Alt File Image Araweelo News Network

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) Photo File Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadashay qorshaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya ugu qoondaysay in doorashada xildhibaanada iyo golaha sare ay ku jiraan xubno Somaliland metelaya.

War-saxaafadeed kasoo baxay maanta Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, waxay xukuumadda Somaliland si cad ugu sheegtay in aannay khusayn doorashada Soomaaliya.

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku war gelinaysaa Qaramada midoobay, Midawga Africa, Midawga yurub iyo guud ahaan bulshada caalamka, in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dawlad madax bannaan oo aan haba- yaraatee wax shaqo ah ku lahayn nidaamka doorashooyinka maamulka taagta daran ee Somali.

.Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay 18 may 1991-kii, lasoo noqotay dawladnimadeedii ay ku darsatay somalia 1960 kii, Soddon sano kadib Somaliland waa dal xor ah oo leh nidaam doorasho oo dimuqraadi ah, isla markaana shacbigudoortaan cidda ku matalaysa golayaasha fulinta ( Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka), sharci dejinta ( Gollaha Wakiilada), iyo dawladaha hoose, si xor iyo xalaal ah, oo qof iyo cod ah.

Sidaa darteed Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay uga digaysaa maamulka iyo siyaasiyiinta somalia in ay ka waantoobaan sheegashada beenta iyo riyada ku dhisan ee lagu marin habaabinayo bulshada caalamka.

Ugu dambayn Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku war-gelinaysaa shacbiga somaliland in ay ka feejignaadaan hagardaamooyinka cadawga jamhuuriyadda somaliland, islamarkaana meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo isku dayda in ay ku xad gudubto madax bannaanida iyo qarannimada Somaliland.

##

Ahmed Omer Elmi
Director of Communication Department, Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation, Republic of Somaliland.