Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay dhawaaq kasoo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo uu kaga hadlay xidhiidhka Somaliland iyo dawladda Imaaraadka Carabta.

 

War-qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, ayaa u dhignaa sidan:-

 

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ka xuntay hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee nuxurkiisu ahaa iska horkeenka iyo khalkhal galinta xidhiidhka labada wadan ee walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaradka Carabta.

 

Dawladda taagta daran ee Soomaaliya waxa ay dedaal badan ku bixisay in ay hor istaagto, islamarkaana siyaasadayso mashaariicda maalgashi iyo horumarineed ee dawladda Imaaradka Carabtu ka waddo Jumhuuriyadda Somaliland taas oo ah wax aan marnaba la aqbali karin.

Jamhuuriyadda Somaliland waa dal madaxbannaan oo aan wax xidhiidh ah la lahayn Soomaaliya, wakhti xaadirkana ma jiraan wax is fahan ah ama wadahadallo ah oo u socda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya madaama oo aannu maamulka Muqdisho ka jiraaahayn maamul masuul ah, isla markaana aannu daacad ka ahayn wadahadallo midho dhal noqda oo ay labada dal ku kala baxaan.

 

Ugu dambayn dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si buuxda ugu wargalinaysaa dawladda Imaaraadka Carabta ee aannu walaalaha nahay, dawladdaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo adduunka intiisa kaleba in madaxbannaanida Somaliland tahay mid aan ka laabasho lahayn, isla markaana dadka reer Somaliland diyaar u yihiin ka midho dhalinta qaddiyaddooda ay xaqa u leeyihiin wax kasta oo ay ku kacayso iyo wakhti kasta oo ay qaadanayso.

 

Dhammaad.