Warbixin Carraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist

Berbera(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka noqotay Heshiiska Saldhiga Ciidanka Berbera ee ay horre ula gashay Dawladda Imaaraadka Carabta saddex sannadood ka hor, 2016, kadib markii  Xukuumaddii hore ee KULMIYE,  oo uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Axmed Maxamed Siilaanyo saxeexday heshiiskaa Saldhig Millateri ee Berbera iyo Heshiis Dekedda Berbera ay kula wareegtay maamulkeeda iyo maalgelinteeda shirkadda DP World.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shaaca ka qaaday in dowladdu dib ula soo noqotay Saldhigii Millateri oo ay hore u siisay Imaaraadka Carabta, kaas oo uu sheegay inu hadda noqon doona Garoon Shacab, isla markaana shirkad uu sheegay inay dhisayso ay imanay maalmaha soo socda.

Madaxweyne Biixi, wuxuu arrintaa ka sheegay mar uu maanta gaadhay magaalada Berbera,  isagoo hadalo ka jeediyay goobo kala duwan oo magaalada ah oo Mashaariic laga wado uu  kormeeray,kuwo kalena uu dhagax-dhigay.

“Garoonkii Berbera ee in badan, ayaa lagu murmayay oo Imaaraadku dhisayeen oo la lahaa waa ciidan iyo ciidankani muxuu yahay, Ciidankii waan ka wareejiyey oo waa Shibil Maanta, waxana imanaya shirkaddii dhisi lahayd oo Taawarka garaanka u rogi lahayd mid shicib, waxaaba filayaa inuu noqonayo garoonka ugu weyn oo diyaaraduhu fadhiistaan” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay Berbera.

Madaxweyne Muuse Biixi ma sheegin sababta ay xukuumad ahaan go’aankaa u qaateen iyo waxa iska bedelay heshiiskii ay Xukuumaddii ka horraysay  la gashay Dawladda Imaaraadka, isla markaana lama ogga inuu go’aankani saamayn ku yeelanayo heshiishka ku lamaan ee DP World ay horre ula gashay Shirkda DP. World, kaas oo saami laga siiyay Dalka Ethiopia, iyadoo markii ay xukuumdda Somalilad heshiisyadaa gashay ay si weyn uga cadhootay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, taas oo sababtay in ay cilaaqaadka kala qaataan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo dalka Imaaraadku, iyadoo Dawladda Soomaaliya dacwada arrintaa la xidhiidha u gudbisay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Heshiisyada Imaaraadka iyo Xukuumadda Somaliland xilligaa wada galen, wuxuu Somaliland kusoo jeediyay indhaha warbaahinta Aduunka, walaw ay mucaaraadka Somaliland iyo Xukuumadda Soomaaliya ee Federaalku isku mawqif ka noqdeen arrintaa lagu diidanaa heshiisyadaa. Sidoo kale wuxuu heshiiska sababay inuu sii horriyo khilaaf u dhexeeyay Dawladda Djibouti iyo Shirkadda DP World oo maalgelin ku samaysay dekedda Djbouti, taas oo ugu danbayntii khilaafkoodu gaadhay in Dp World ka baxdo gacan ku haynta Dekedda Djobouti, isla markaana ay Maxkamad isla galaan.

Go’aanka Madaxweyneha Somaliland ee lasoo noqoshada madaarka Bereba, ee heshiiskiisa la saxeexay 2016, isla markaana dhismaha Saldhigaa Millateri ay dawladda Imaaraadku bilawday 2017, ayaa kusoo beegmay kadib markii Madaxweyne Muuse Biixi iyo wefdi uu hoggaaminayaa booqdeen dalka Djibouti todobaadkii horre , iyadoo kulamo aan nuxurkooda la sheegin  oo albaabada loo xidhay ay la syeesheen Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo masuuliyiin kale, waxaana xusid mudan in Madaxweyneha Somaliland Muuse Biixi iyo xubnaha la socday ay booqdeen dekedda Djibouti qaybteeda badeecaddaha cashuuraha ka caagan iyo goobo kale, balse lama ogga in go’aankaa Madaxweynuhu qaatay markii uu kasoo laabtay Djibouti uu xidhiidh la leeyahay arrimaha ay ka wada hadleen Madaxweynaha Djobuti.

Akhri: Kulamo Aan Natiijadooda La Shaacin Oo Dhexmaray Madaxweyne Biixi Iyo Madaxweyne Geelle

Dhinaca kale Xukuumadda Dalka Imaaraadka, ayaan weli wax war ah kasoo saarin go’aanka xukuumadda Somaliland, balse waxa la filayaa in jawaab dhakhaso ah ay kasoo saaraan Madaxda Imaaraadku go’aankan, waxana suurta gal ah in gp’aanka xukuumadda Somaliland qaadatay ee Madaarka Berbera uu saamaynku yeesho maalgashiga dhinaca dekedda ee DP World  iyo mashaariic kale oo ay dalka Imaaraadku ka wadeen Somaliland.

Jun 2019, ayaa la filayay in la furo saldhiga Imaaraadku ka dhisay Magaalada Berbera, balse ma suurta gelin in la furo, waxaana sidoo kale soo baxay booqashadii ugu danbaysay ee Madaxweyne Biixi ku tago dalka Imaaraadka in heshiiskaa wax iska bedeleen walaw aan si dhab ah loo shaacin, isla markaana ay Masuuliyiinta xukuumadii hore ee heshiisyadaa gashay sheegeen in Saldhiga Millateri uu dhinac socdo Madaar kale oo laga dhisayo Berbera oo khaas u noqonaya diyaaradaha rayidka.

Sida ay sheegayeen masuuliyiinta xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo oo marar badan ku cel celiyeen, waxay Dawladda Imaaraadku Somaliland ka fulinay mashaariic waaweyn oo la socda heshiisyadaa, isla markaana magaalada Berbera, ayaa lagu samaynayaa mashaariic maalgelin dhinaca dhismaha warshad koronto oo awood dhanka laydhka ah siin doonta Magaalada Berbera.

Sidoo kale, waxa mashaariicda ku jiray Tababro ay siin doonaan Imaaraadku ciidamada amniga ee Somaliland, taas oo qayb ka ah heshiis lagu dhisayo saldhig millatari oo UAE, sida uu sheegay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Bishii March 2018.

Akhri: Shirkada DP World Oo Si Rasmi Ah Loogu Wareejiyey Maamulka Dekeda Berbera

Akhri: DP World Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Dhamaystiray Heshiiskii Kama Dambaysta Ahaa

Read: DP World invests half billion dollars in expansion of the Somaliland’s port of Berbera