araweelonews-300x168Addis Ababa(ANN)Dawlada S/land ayaa maanta safaarad cusub ka furay xarunta dalka Itoobiya ee Addis-ababa’  iyadoo ay munaasabada furitaanka ka qayb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan dawladda oo uu horkacayaan Gudoomiyaha golaha wakiilada Md cabdiraxmaan Maxamed cabdilaahi iyo gudoomiye ku xigeenkiisa Baashe Maxamed faarax oo ay wehelinayaan xubno ka tirsan Xukuumada iyo Golayaasha kale ee qaranka muddo todobaad ahna tababar aqoon korodhsi ah oo ku saabsan maamul wanaaga ku qaadanayey Dalka itoobiya.

Somaliland’ waxay hire ugu Lahayd dalka Ethiopia kaas aha a xafiis ganacsi’ balse ku magcawnaa safaarad, isla markaana qabanayay dhamàan hawlaha safaarada. Sidaa awgeed lama sheegin wuxuu xafiiska cusub eye safaaradu kaga duwanyahay kii hore uga furnaa halkaa.

Halkan ka daawo furitaanka xafiiska cusub we safaaradda Somaliland Riix