“Waayuhu waxay dhalayaan Geesiyaal hor-leh oo maalmahan Adag usoo baxaya Somaliland” Afhayeenka Xukuumadda Saleebaan Koore Oo Fariimo u kala diray Ganacstyada, Bulshada iyo Mihnadlayaasha Caafimaadka.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay korodhka tirada caabuqa ee xannuunka COVID-19, isla markaana digniino u dirtay shacbiga, sidoo kalena baaq u jeedisay ganacsatada iyo mihnadlayaasha caafimaadka ee ku sugan dalka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda, Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo maanta xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id, ayaa sidoo kale ka hdlay billashada bisha barakaysan ee Ramadaan, wuxuuna u Allah uga baryay shacbiga Somaliland innuu ka dhigo kuwa Fadaa’isha Bishan Barakaysan ee Ramadaan ee inoo billanaysa Eebe ugu naxariisto.

“Walaalayaal, sidaynu la wada soconno Adduunyadu waxay la legdamaysaa Xannuunka COVID- 19 oo noqday xujadii ugu cuslayd ee caalamka soo marta Qarnigan 21-aad, kaasi oo dalalka caalamka ee xagga dhaqaalaha ku kala horreeyey ka simay casharrada adag iyo duruufaha qalafsan ee laga korodhsaday Xannuunkan oo illaa maanta ku dhacay dad gaadhaya 2 Milyan, 638 Kun oo qof oo ku kala nool caalamka oo dhan. Waxa xannuunkani sahayday  184 Kun iyo 235 qof  shantii bilood ee u dambeeyey.” Ayuu yidhi, Wasiir Koore.

Wuxuu sheegay marka la eego qaabka deg-dega ah ee uu COVID -19, ku fidayo iyo siyaabaha  laysugu gudbinayo oo fara badan waxa uu sheegay innay muuqanayso in warranka caabuqa Coronavirus aanu dhulka  u dhacaynin oo uu yahay dillaa dabar jari kara qoysas badan  iyo bulshooyinba. Sida uu sheegay.

Afrika Xannuunka Coronavirus wuxuu ugu fidayaa si isa soo taraysa, wuxuu tusaale usoo qaatay tirade  la xaqiijiyey oo gaadhay 24 Kun iyo 600 oo kiis, halka dhimishaduna ay toddobaadkan gaadhay 1,000.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo ka hadlayay xaaladda xilligan ee “Xannuunka COVID-19”,  wuxuu sheegay in illaa xilligan Jamhuuriyadda Somaliland la caddeeyey inuu xannuunkani marayo 6 qof oo laga helay COVID-19, iyo 13 qof oo baadhitaankoodii loo diray dibadda. Sidaa awgeed wuxuu yidhi, ‘waxaynu joognaa marxalad loo baahan yahay inaynu Qaran ahaan Maskax, Muruq iyo Maalba iskugu geyno sidii loo xakameyn lahaa Inta aanu Fayraskaasi sadhaynin bulshadeenna isla noosha ah ee ay suurtowdo in Toban qof iyo ka badani ay wada degan yihiin guri kaliya oo dantu ku qabatay.”

Wasiir Koore, ayaa tilmaamay in  khubarrada iyo Mihnadlayaasha Caafimaadku ay kor iyo hoosba bulshada ugu soo gudbiyeen asbaabaha xannuunkani ku fido iyo siyaabaha looga hor-tegi karo, balse wuxuu sheegay in aan weli sidii la rabay loogu camal-falin Tallooyinka iyo Tilmaamaha bahda Caafimaadka, kuuwaas oo sida uu sheegay ay ugu muhiimsan yihiin joojinta salaanta gacmaha, in la badiyo faroxalka, yareynta goobaha bulshada badani iskugu yimaadaan iyo in masaafo laba Mitir ah ugu yaraan laysu joogsado oo la kala fogaado.

“Xukuumad ahaan, waxaan mar kale cod dheer ugu baaqaynaa dadweynaha inay u hoggaansamaan “Tilmaamaha ma dhaafaanka ah” oo ah jidka aad ku badbaadinayso naftaada, nolosha Carruurtaada, Qoyskaaga iyo Mu-huraankaaga oo aad wakhti yar ku sadheyn karto dad badan haddii aanad feejignayn. Waa inaad  xaqiiqsataa inuu xannuunku ina soo galay oo uu magaalo kasta oo Somaliland ah uu joogo.’ Ayuu yidhi.

Sidaas darteed ayuu yidhi, “Walaalayaal fuliya awaamiirta dhakhaatiirta, iyadoo Qaranku abaal ugu hayo qof walba siduu qoyskiisa ugula dedaalo ka hortagga Coronavirus, maadaama oo diinteenna Suubani dhiirigelisay ‘In ka Hor-taggu ka Wanaagsan yahay Daweynta.’

Wasiir Koore, wuxuu tusaale uga dhigay Bulshada dalalka yareeyay halista faafista caabuqa, kuwaas oo sida uu sheegay inay yihin kuwo bulsho ahaan ismaqalkoodu marka horeba uu sarreeyey, sidaa darted wuxuu xusay in haddii dhega-nuglaanta iyo is-maqalku meesha ka baxo oo gaasirmo ay hubaal tahay in dedaalku weyddoobi doono.

Mar uu ka hadlayay Mihnadlayaasha caafimaadka, wuxuu sheegay inay Guddida u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga Xannuunka Coronavirus ay mihnadleyaasha caafimaadka sida; Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha aan u shaqeyn dawladda  ku boorrinayaan inay iska diiwaangeliyaan Gobollada ay ku sugan yihiin oo ay qoraan ciwaannadooda, si loogu yeedho xilli kasta oo loo baahdo, isagoo yidhi, “Waana ammintii ay aqoontooda ugu adeegi lahaayeen Waddankooda oo baahidii u weynayd u qaba xilligan.”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, wuxuu ku yidhi, baaq uu ganacsatada Somaliland u diray, “Walaalayaal, taariikhdu maanta iyadaa is qoraysa. Qof waliba inta uu shacbigiisa u taro ayaa diwaanka u geli doonta, waana loo tirin doonaa.

Waxa waayuhu dhallayaan geesiyaal hor-leh oo maalmahan adag u soo baxaya Jamhuuriyadda Somaliland. Ganacsade kastaa inta uu kartidiisa kula dabaasho ummaddiisa, taasina ay  dhito u noqon doonto dhegtiisa dambe. Waxaan ILAAHAY, idiinka baryayaa inaydaan noqon kuwo gaba masuuliyadooda.ayuu yidhi, isagoo la hadlaya ganacsatada.

“Waxaa idin hortaalla qaddiyad ay tahay inaad u fahantaan badbaado ummaddeed, taas oo haddii aad ajiibtaan aad ku kasban doontaan abaal qaran marka laga soo doogo Tabaalaha Xannuunka. Waxa kaloo banka Qiyaame EEBE idinkaga faydi doonaa culayska maalinta Kontonka Kun ee Sannadood u dhiganta.” Ayuu yidhi. Wasiir Koore.