soo dhowaynta wefdigaslandHargeysa(ANN) Waftiga dhinaca Somaliland uga qaybgelayay wadahadaladii burburay ee dalka Turkiga oo u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia, ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, iyadoo si balaadhan loogu soo dhaweeyey Madaarka Cigaal International Airport ee Magaalada Hargeysa.

Xubno ka mid ah golaha wasiiradda,Golayaasha Baarlamanka ee Guurtida iyo Wakiilada, golaha Deegaanka Hargeysa oo ay weheliyaan Boqolaal ka mid ah dadweynaha caasimada oo isugu jiray Salaadiin, Boqoro, Cuqaal, Dhalinyaro iyo haween u badan oo sitay Calamanka Somaliland iyo Boodhadh ay ku qaran yihiin hal ku dhigyo ay ku muujiynaayeen cushuurtooda wadaninimo.

soodhowayntii wefdigasland2Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibadda Jamhuuriyada Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, oo warbaahinta ku hadlay qolka VIP-da, ayaa sheegay in dawlada xamar iyo dawlada Turkigaba ay shuruud kaga dhigeen inaanay shirkaasi fadhiisanayn Somaliland, haddii ay ergada wadahadalka dhinaca Somalia eek a yimi Xamar ay ku jiraan xubno dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland, taas oo sida uu sheegay ay ku adkaysteen. Kadibna sidaa ku bur-buray wadahadalkii la filayay inuu ka dhaco Dalka Turkiga, wuxuuna sheegay wasiir Biixi in aanay Somaliland mar danbe ka qeyb galayn wadahadalo dhexmara dawlada muqdisho inata ay adeegsanayaan, wuxuu ugu yeedhay calooshood u shaqaystayaal ku abtirsanaya Somaliland, kuwaas oo uu sheegay inay Somaliland ugu jiraan liiska denbiilayaasha.

soodhowayntii wefdigasland3soodhowayntii wefdigasland4Shacbiga Somaliland ayaa dareen qiimo badan oo aad u sareeya ku qaabilay weftigii uga qaybgalay shirkii Somaliland iyo Somaliya ee Turkiga, kadib markii uu maamulka muqdisho carqaladeeyey, iyadoo ka werwer qabay in Somaliland kaga guulaysato wada hadaladaa, isla markaana ay kusoo dareen xubno Somaliland kasoo jeeda si ay uga dhuuntaan guuldarada siyaasadeed ee ay is tuseen.

soo dhowayntiiwefdigasland5Boqor OsmanBuurmadawWaftiga markii danbe loo galbiyey qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxay ka hor intii aanay gaadhin madaxtooyada ee ku soo jireen shaaracyada waaweyn oo ay socod lug ah ku marayeen wadooyinka ugu mashquulka baddan, waxayna iyadoo ay hareero socdaan kumanaan shacbiga Somaliland ka mid ah, goobaha qaar kula hadleen dadweynihii soo dhoweeyay oo ay u sheegeen sababta ay uga baxeen wada hadaladii, iyagoo metelaya shacbiga oo shucuurtooda oo ay la tageen wadanka Turkiga, isla markaana sida ay sheegeen aanay marnaba ku talaabsan wax qaranka dhabar jab ku ah, balse ay ku talaabsadeen wixii shacbiga iyo xukuumaddu isla qaateen markii Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideeda 18 May 1991, wax iska bedelayna aanay jirin in la adkeeyo mooye.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews