Dirir
Hargeysa (ANN) Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa u dirtay waddanka Maraykanka qoraal ay kaga codsanayso in aan la joojin lacagaha dadka muwaaddiniinta ah ka helaan eheladooda ku dhaqan gobolada kala duwan ee dalka Maraykanka.
Bangiyada dalka Maraykanka, ayaa si rasmi ah u joojiyey inay qabtaan, lana sii mariyo lacagaha loo diro Somaliland iyo Soomaaliya toddobaadkii hore, kadib markii ay u hogaansameen sharci Maraykanku soo saaray oo la xidhiidha joojinta in la diro lacagaha aan la huhin gacmaha ay ku dhacayaan, iyadoo walaac laga muujiyey in dhaqaalaha qurba-joogu soo xawilaan u gacan gasho kooxda Al-shabaab ee cilaaqaadka la leh ururka Al-Qaida.
Hasayeeshee, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo saxaafadda la hadlay sheegay inay waraaqo Madaxweyne Siilaanyo saxeexay u direen masuuliyiinta dalka Maraykanka, kuna codsadeen in aan la joojin lacagaha loo soo xawilo dadka ku nool gudaha Somaliland.
“Maraykanku waxay xidheen xawaaladihii Soomaaliya bishan (February) lixdeedii, hawshaasna aad ayaannu u galnay, haddii aannu nahay Baanka Dhexe waraaqo ayaannu u qornay, madaxweynuhuna wuu saxeexay, kuwaasoo aannu u dirnay safiirka Maraykanka ee jooga Nairobi iyo Wasiirka Maaliyadda ee Maraykanka, taasoo aannu leenahay in lacagta ay muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanku u soo dirayaan dadka reer Somaliland, xaqna u leeyihiin inay diraan in loo baahan yahay in loo soo daayo dadka reer Somaliland,” ayuu yidhi Md. Cabdi Dirir Cabdi.
Waxa kaloo uu rajo ka muujiyey in la fasixi doono lacagaha dadka Soomaalidu uga soo diraan eheladooda ku nool Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxa aad moodaa arrintaasi iminka inay gaadhay meel dheer oo wararka aan xalay (habeenkii Jimcaha) maqlayey waxa ka mid ahaa inay gaadhay guriga cad ee Maraykanka, kadibna arrintaasi u egtahay hadda in lacagahaas loo soo dayn doono Soomaalida.”
Dhinaca kale, warbixin ay soo saartay Hay’adda Oxfam sannadkii 2013, laguna baahiyey qaar ka mid ah saxaafadda Maraykanka, ayaa lagu sheegay in dadka Soomaalidu ka helaan eheladooda qurba ku nool lacag dhan $1.3 bilyan oo dollar sannad kasta, taasoo qayb weyn ka qaadata hab-nololeedka dadka Soomaalida, lacagtaasoo ay u isticmaalaan waxyaabaha daruuriga u ah noloshooda.
Mr. Peter Raven-Hansen oo ah khabiir sharciga caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda George Washington ee dalka Maraykanka, ayaa sheegay in bangiyada waaweyn ee Maraykanku dambi ku geli karaan haddii lacag ay direen ku dhacdo gacmaha kooxaha Xamaas ama Al-shabaab oo lagu calaamadiyey inay yihiin argagixiso bah-wadaag la ah Al-Qaida.
“Marka si guud loo hadlo, Bangiyaddu waxay dambi ah ku geli karaan haddii ay lacag u diraan shaqsiyaad la ogyahay ama laga shakisan yahay inay xubno ka yihiin ururrada Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanku u aqoonsatay argagixiso, magacyadooduna ku xusan yihiin liiska kooxaha argagixisada ah oo Hamas iyo Al-shabaab ka mid yihiin,” ayuu yidhi Mr. Peter Raven-Hansen.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com