Mohamoud HashiHargeysa(ANN)Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xulafada Sucuudiga uga digtay cawaaqib-xumada ka dhalan karta haddii ay adeegsadaan hawada iyo badda Somaliland, iyagoo ogolaansho ka haysta dawladda fadhigeedu yahay Muqdisho.
Dawladda Soomaaliya, ayaa fasaxday in xulafada Sucuudigu hoggaamiyo isticmaalaan hawada iyo badda Jamhuuriyadda Somaliland si ay weerarro cirka iyo badda ah ugu qaadaan kooxaha Xuutiyiinta ee lagula dagaallamayo waddanka Yemen, isagoo xogo wargeyska  The Guardian ee ka soo baxa magaalada London ee dalka Ingiriiska helay, laguna baahiyey boggiisa internet-ka oo Jamhuuriya soo xigtay maalintii Arbacada lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya fasaxay in xulafada Sucuudigu hoggaamiyo adeegsiga n dekedaha magaalada Berbera ee Somaliland iyo Boosaaso oo ku taal woqooyi-bari Soomaaliya, labadaas dekadood oo u dhow dalka Yemen ee xulafada Carabtu duqaymaha ka wadaan.

Haseyeeshee, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maanta, ayaa caddeeyey in aanay dawladda Muqdisho maamulin, isla markaana fasixi Karin hawada iyo badda Somaliland, cidda qudha ee arrinkaas ogolaansho looga heli karaana tahay dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

“Xulafada dagaalka ku jirta ee Sucuudigu hogaaminayo ma isticimaali karaan hawada, badda iyo garoomada qaranka Somaliland ilaa oggolaasho rasmi soo weydiistaan xukuumadda Somaliland,” ayuu yidhi.

“Inkastoo mawqifkayga siyaasadeed cad yahay, haddana ma isticimaali karaan annagoon u oggolaan. Waanu uga digaynaa in ay iscimaalaan, farriin cod dheerna waxaannu leenahay wixii cawaaqib-xumo ka timaad arrintaasi haddii ay dhacdo iyagaa ka masuul ah, arrintaas masuuliyadeedana u raaci mayno Muqdisho iyo dawladda Soomaaliya.”

Wasiir Xaashi, ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya looga baahan yahay in cid ka soorto waxa ay maamusho, “Dawladda Soomaaliya wixii ay hayso ee ay maamusho cid ha ka martisoorto, wax aanay hayn ninka yidhaa cid ayaan ka marti soorayaa dee maaha aragti sax ah. Waxay Carabtu ku maahmaahdaa; ‘ninkaan waxba hayn waxba ma bixiyo.’

Garoomada Somaliland, hawadeeda iyo baddeeda in lagaga duulo kooxaha Xuutiyiinta ee Yemen oggolaashaheeda dawladda Muqdisho ma bixin karto.”

Sidoo kale, waxa uu sheegay in dawladda Somaliland ugu baaqdayso beesha caalamka in laga shaqeeyo sidii xal loogu heli lahaa dagaalka ka socda dalka Yemen.

“Jamahuuriyadda Somaliland werwer badan ayey ka qabtaa waxa ka socda dalka Yemen, il dheer baanbu ku haynaa, beesha caalamkana waxaan ugu baaqaynaa in la isku dayo in xal loo helo dagaalkaas socda,” ayuu yidhi wasiirku.

Xulafada Sucuudigu hoggaaminayo oo ka mid yihiin; Masar, Jordan, Kuwait, Suudaan, Qadar, Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta, ayaa sababay in khasaare xooggan oo ka dhashay duqaynta ay ka wadaan Yemen, iyadoo ICRC sheegtay in dad gaadhaya ilaa 640 qof ku geeriyoodeen, halka 22, 000 ku dhaawacmeen dagaalka Yemen intii u dhexaysay 19 March ilaa 6 April.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews