Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa xabsiga dhigtay ganacsato u kala dhashay dalalka Germany, Portugal, China, Sudan, Yemen, Egypt iyo wadamo kale oo Carbeed, kuwaas oo meherado ganacsiyo kala duwan ka furtay magaalada Wajaale oo ah magaalo ganacsi oo ku taal xadka Somaliland ee dalka Ethiopia.


Agaasimaha guud ee Wasaaradda Wersheddaha ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Mustafe Maxamuud Cali Bile oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay maanta xafiiskiisa, ayaa sheegay in ganacsatada ajaanibka ah ee la xidh-xidhay ay ahaayeen kuwo magaalada Wajaale ka furtay goobo ganacsi oo tafaariiq iyo jumladba ku iibinayay.


wuxuu sheegay inay tallaabadaa qaadeen kadib markii ay cabashooyin kasoo gaadheen dadka muwaadininta ah ee ganacsatada Wajaale iyo kuwa Hargeysa, isagoo si cad u sheegay in sharciga Somaliland aanu ogolayn in qof ajaanib ah uu furto ganacsiga yar-yar ee muwaadiniinta.


Agaasimaha guud ee Wasaaradda Wersheddaha ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Mustafe Maxamuud Cali Bile, waxa uu sheegay in markii wasaarad ahaan ay soo gaadheen cabashooyinkaas ay koox u direen si ay u hubiyaan arrimaha ay ka cabanaayan ganacsatada muwaadiniinta Somaliland, kuwaas oo sida uu sheegay iibinayay waxyaabinii ay ka ganascan lahaayeen muwaadiniintu, isla markaana iibinaya tafaariiq iyo jumlad.

“Waxay Magaalada Wajaale ka furteen goobo ganacsi, waxayna iibinayeen Tafaariiq iyo Jumlad, mana ay haysan wax sharci ah, waxay u kala dhasheen dalalka Germany portugal, China, Sudan, Yemen, Egypt iyo wadamo kale oo Carbeed, dhammaantoodna waa lasoo xidhay.” ayuu yidhi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Wersheddaha ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Musatafe Maxamuud Cali Bile, walaw aanu sheegin tirada dadkaa ganacsatada ajaanibka ah ee loo xidhay arrintaa.


Agaasime Mustafe, ayaa sheegay in markii ganacsatada ajaanibka ah su’aalo la xidhiidha sharciga ganacsigooda la weydiiyay lasoo baxay dhammaantood liisano sharci oo ay leeyihiin muwaadiniin Somaliland ah.


“Ajaanibka doonaya inuu ka ganacsado dalka, waa inuu marka hore yahay maal-gashade, isla markaana uu soo maraa Wasaaradda Maalgashiga oo uu maalgeliyaa mashruuc weyn oo ah mid aanay dadka Somaliland qaban karin, shuruucda dalka Somaliland ee ganacsiga ma ogola in qof ajaanib ah uu iibiyo tafaariiq, waana xuquuq uu leeyahay qofka muwaadinka ah,” ayuu yidhi, Agaasime Mustafe.


Sidoo kale, wuxuu sheegay in qofka ajaanibka ah ganacsiga doonaya inuu ka sameeyo Somaliland ilaa uu sharciga soo maro aanu ganacsi iyo meherad furan karin, isla markaana waxa uu sheegay in qofka shaqaalaha ah ee ajaanibka sidaa oo kale ilaa uu sharciga iyo Hay’addaha dawliga ah soo maro aanu shaqayn karin.


“Waxa denbi ah in Liisankii sharciga ganacsiga ee qofka muwaadinka ah la siiyay uu qof ajaanib ah oo Chines ah, ama German ah ku ganacsado, meherad ku fyrto, ama wax kula soo dego, waana denbi culus oo sababaya in la ganaaxo, liisankana lagala noqonayo, waana uga digaynaa ganacsatada muwaadiniinta ah ee sidaa sameeya. sababtoo Liisanka adigaa lagu siiyay oo lagugu aaminay waana denbi qaran.”


Agaasimaha guud ee Wasaaradda Wersheddaha ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Mustafe Maxamuud Cali Bile, ayaa xusay inay wasaarad ahaan dhowaan sameeyeen xeerkii xquuqda lahaanshaha fekredaha, nashqadaha iyo calaamadaha ganacsi, isagoo ugu bushaareeyay muwaadiniintuna inay usoo doonaan karaan Xeerkaa wasaaradda.