Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabtay Sheekh Maxamed Ismaaciil, oo ka mid ah culimada waaweyn ee geyiga Soomaalidu degto aad looga yaqaan, xadhiga Sheekh Maxamed Ismaaciil, waxa xaqiijisay gabadh uu dhalay oo muuqaalo ay ku muujinay arrintaa iyo sida ay uga xumaanatay la soo bandhigtay.

Sheekh Maxamed Ismaaciil oo caan ku ah dabiibka dadka ee sixirka Jinka iyo durooyinka, isla markaana maxaadarooyin diini ah ka baahiya Telefishanada dalka, waxay sheegatay gabadha uu dhalay in saaka subaxnimadii hore laga kaxaystay xarunta uu ku dabiibo dadka ee Magaaladda Hargeysa, balse waxay sheegatay xilliga ay muuqaalka soo bandhigtay oo ahayd shantii galabnimo in aannay ogayn meel la geeyay oo dhammaan saldhigyada Hargeysa, waxayna ka dalbatay xukuumadda Somaliland caddaalad in ay ka helaan.

Gabadha uu dhalay Sheekh Maxamed ismaaciil, ayaa ka codsatay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Hay’addaha baadhista in ay ka jawaabaan codsiga ay ku doonay in ay oggaato halka la geeyay Aabeheed.

Xadhiga Sheekh Maxamed Ismaaciil, ma jiro wax war ah oo ay Xukuumadda iyo hay’addaha amaanku kasoo saareen, isla markaana ma cadda sababta loo xidhay, balse Sheekh Maxamed Ismaaciil, ayaa shalay mar uu warbaahinta u waray, wuxuu sheegay in Magaaladda Ceergaabo ee gobolka Sanaag uu ku maqnaa muddo ku dhow labaatan Maalmood, isagoo sida uu sheegay halkaa u tegey heshiisiinta qoys Oday keliya kasoo jeeda, isagoo xusay in uu Sheekh Maxamed Cali Biixi oo isaguna ka mid ah Culmida waaweyn ee Somaliland kala qaybgalay.

Hase yeeshee, wuxuu sheegay in hawshii heshiisiinta qoyskaa oo gebagebo ku dhow lagu wargeliyay in uu Magaalada Ceergaabo si deg deg ah uga baxo, sidaana ay kusoo baxeen isaga iyo Sheekha kale, balse markii ay Hargeysa yimaadeen ee uu la xidhiidhay hay’addaha amaanka loo sheegay in aan arrintiisa waxba lagala socon, waxase uu sheegay Sheekh Maxamed Sh. Ismaaciil in markaa kadib uu maqlay fariin loo keenay oo la leeyahay wuxuu tegey  Magaalada Badhan. Sidaa awgeed wuxuu sheegay in uu la yaabay arrintaa, isla markaana uu halkaa u tegey inuu soo dabiibo dhawr boqol oo qof oo muddo laba maalmood ah kusoo dabiibayay intii uu joogay Ceergaabo.

Dhinaca kale, Maayarka Magaaladda Ceergabo, Ismaaciil Xaaji Nuur oo ka hadlay markii lagu wargeliyay sheekha inuu ka baxo Ceergaabo oo Hargeysa tago, ayaa canbaareeyay ciddii falkaa ku kacday, wuxuuna dhankiisa sheegay in labada Sheekh arrin nabadayn ah ka wadeen Ceergaabo, balse uu aad iuga xumaaday markii uu maqlay farriinta lagu wargeliyay Sheekh Maxamed ismaaciil iyo jawaabta uu kala kulmay hay’addaha amaanka ka hor intii aan la xidhin maanta, isagoo Maayar ismaaciil Xaaji Nuur xukuumadda ugu baaqay in ciddii warkaa sheegtay ee Ceergaabo kasoo saartay Sheekh looga fadhiyo xukuumadda in ay ka daba tagto,, balse xadhiga ayaa yimi markii uu warbaahinta ka hadlay shalay ee uu ka sheekeeyay ujeedada socdaalkisia Ceergaabo iyo Badhan iyo qaabkii ay wax u dhaceen ee sababay in ay isaga iyo Sheekh Maxamed Cali Biixi Hargeysa yimaadaan iyo  jawaabihii uu kala kulmay saraakiisha Hay’addaha amaanka ee uu la xidhiidhay, “Eeddii waxay noqotay wuxuu tegey Badhan, Badhan miyaanay daleenii ahayn miyaanay dadkii joogin.” ayuu yidhi.

Sheekh Maxamed ismaaciil ayaa hore xabsiga loogu taxaabay  sannadkii 2005,  waxaana lasoo daayay toddoba sannadood kaddib markii ay xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo xukunka la wareegtay May 17, 2011,

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com