Araweelo News Network.

 

“Saddexda Xisbi way ka aradan yihiin dimuqraadiyada, Kulmiyena….”

“Maaha inaad Taiwan ku idhabeesho, Shiinuhu waa shanta dawladood ee ugu waaweyn oo Qaramada Midoobay codka qayaxan, markaa….”

Hargeysa(ANN)-Prof. Ismael Mohamoud Hurreh (IBuubaa) oo ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Haldoorka Aqoonyahanka ugu caansan Somaliland iyo geyiga Soomaalida, isla markaana caanka ka ah masraxyada siyaasada iyo fagaarayaasha aqoonta mandaqada, ayaa ka hadlay dhawr arrimood oo la xidhiidha siyaasada iyo mustaqbalka Somaliland, Somalia, dagaalka Ethiopia iyo marxaladaha kala duwan ee duruufaha dimuqraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland iyo qaabka ay axsaabata siyaasadu u dhisan yihiin.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay Siyaasada arrimaha dibedda Somaliland, halka ay ku danbeeyeen wadahadaladii ay lahaayeen Somaliland iyo Somalia, isagoo tilmaamay xalka furdaaminta qadiyada Somaliland iyo dariiqa loo marayo, balse wuxuu si weyn u dhaliilay gaabiska qadiyada Somaliland ee wasaaradda arrimaha Dibedda, xidhiidhka Taiwan ayuu ka bixiyay tafaasiil iyo tallooyin, isagoo tilmaamay in qaabka loo wadaa sababi karo in Shiinaha oo ah dawlad weyn ka cadhaysiiyo, kaddibna ku dhaqaaqo ficil waxyeela qadiyada Somaliland.

 

Prof. Ismael Hurre Buubaa, waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha la xidhiidha Dekedda Berbera, heshiiskii Dp world, waajibka saaran xukuumadda iyo Baaralamaanka cusub ee dhowaan la doortay, isagoo su’aal geliyay qaab dhismeedkooda Axsaabta Somaliland iyo sida ay mustaqbalka usii jiri karaan, maadaama sida uu ku dooday aannay ku dhisanyn qaab dhismeedka nidaamka dimuqraadiyadda, wuxuuna arrimahaa iyo kuwo kale kaga hadlay Waraysi uu siiyay Weriye Cabdiraxmaan Erdogan.

“Way jireen doorashooyin ka dhacay Somaliland, wallow ay waxyaabo badan suurta galeen weli waxaynu ku joognaa meel bilaw ah, waa in la qabtaa doorashooyinka Guurtida, waa inay istaagtaa dhaqankan ah hala kordhiyo marka madaxweynaha waqtigiisu dhammaado, doorashooyinku waa inay noqdaan qori isu dhiib, welina maynu gaadhin dhaqankii dimuqraadiyadda halka aynu ku soconaa waa halkaa.”

Prof. Buubaa oo ka hadlayay axsaabta siyaasada, wuxuu ku dhaliilay in aanay dhaqankoodu ahayn mid dimuqraadiyada, sidaa awgeed loo baahanayahay in tobankii sanadooba mar la furo sida qaanuunku dhigayo, balse wuxuu sheegay in haddii la raaciwaayo qaanuunka oo aan la furin Ururada ay arrintaasi khatar ku keeni karto geedi-socodka dimuqraadiyada iyo siyaasada Somaliland.

“Bisha May 2022, waxay ku beegantahay xilligii qaanuunku dhigayay in la furo Ururada tobankii sanadoodba mar, haddii la furiwaayo waxaan qabaa in ay dhibaato weyn oo siyaasadeed wadanka u keeni karto oo dhaacayso geedi-socodka dimuqraadiyada, sidaa awgeed waxa lagama maarmaan ah in la furo ururada siyaasada.” Ayuu yidhi, Prof. Ismael Hurre Buubaa.

Mar  la weydiiyay maadaama uu rumaysanyahay haddii la furo Ururada in saddexda xisbi aannay saaxada kusoo wada noqon karin in uu doonayo inuu xisbi furto, balse wuxuu sheegay in arrintaa dhawr goor oo hore la weydiiyay oo layaab ay ku noqotay, isagoo yidhi, “Arrinta aan la yaabaa waxa weeye marka la weydiiyo ma furanaysaa  Urur, sababtoo ah Ururka waxa furankara dad wada socda oo isku waafaqsan mabda ahaan dhinaca siyaasada, dhaqaalaha iyo Bulshadda oo ujeedo iyo himilooyin midaysan leh, markaa anigu “Ismael” waan kasoo horjeedaa Urur qof keliya furto, laakiin haddii la helo dad isku mabda ah oo isku ujeedo waan ka mid noqon karaa.”

Sidoo kale, wuxuu sheegay in uu mabada ahaan kasoo horjeedo in qof guddoomiye keligii horfadhiya xisbi sannado badan, kadibna ku doodo inuu noqdo murrashax Madaxweyne, isagoo arrintaa ka hadlaya, wuxuu yidhi, “Haddii urur cusub aan ka mid noqdo guddoomiyaha xisbiga cida noqonay iyo cida laga dhigayo waxay u taal xisbiga ,  haddii aniga laygarto diyaar ayaan u ahay, haddii qof kale loo gartona diyaar ayaan u ahay, laakiin waxaan doonayaa in lixda deegaan doorasho labadii sannadoodba qof kasoo jeedaa noqdo guddoomiyaha, mase qabo in sida hada jirta guddoomiyaha xisbiga qof iska ahaado oo ku dhegsanaado marka danbena uga gudbo inuu isu taago doorashada Madaxweynaha aniga nidaamkaasi mid ila quman oo sax ah maaha, waxaana qabaa guddoomiyuhu in aannu doorashada isu taagi karin. Markaa waxaan doonayaa in aannu samayno nidaamka maanta jira ee axsaabta mid ka duwan, maadaama aanu ahayn nidaamka asxaabtu maanta u dhisan yihiin mid aan dimuqraadi ahayn.” Ayuu yidhi.

Porf. Ismail Buubaa, wuxuu carabka ku adkeeyay doodiisa ah in laga guuro qaabka ay axsaabta Somaliland u dhisan yihiin oo sida uu sheegay ku dhisan dan qof ee aan ku dhisnayn danta qaran, “Saddexda Xisbi KULMIYE, WADDANI iyo UCID, waa isku mid, waxay u dhisan yihiin qaabkii nidaamkii aynu ka dhaxalay siyaad Bare iyo hantiwadaaga. Sidaa awgeed uma arko KULMIYE wax ka duwan kuwa kale oo ah dimuqraadiyada iyo wada lahaanshaha, saddexda xisbina way ka aradan yihiin arrintaa dimuqraadiyada, waana sababta aan u leeyahay dalku wuxuu u baahanyahay qaab dhsimeed cusub oo axsaab siyaasadeed oo dimuqraadiya si looga guuro qaabkan tigtigan ee inoo horseedikara dhibaato oo qofka dantiisa ku kooban oo axsaabtuna noqdaan wax qof iska leeyahay.”

Mar uu ka hadlayay xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland, wuxuu sheegay in marka la eego arrintaa laga yaabo in dawladda Shiinaha oo ah dawlad weyn ka cadhaysiiso, sidaa awgeed loo baahanyahay in arrimaha laysu miisaamo, maadaama ay suurtagal tahay in Shiinuhu ficil dhaawaca dano waaweyn oo ay Somaliland leedahay kaga jawaabo arrintaa.

“Cilaaqaadka aad aduunka la yeelanay waxa lagama maarmaan ah in aad si taxadar ah ku eegto oo ku jaangoyso. Shiinuhu waa shanta dawladood ee ugu waaweyn oo Qaramada Midoobay codka qayaxan leh, markaa inaga iyo Shiinuhu in aynu madaxa isla galo uma arko dan weyn, waxaana jira dawlado kale oo waaweyn oo cilaaqaad la samayn karo, markaa siyaasadeenu waa inay noqotaa mid dawladdaha caalamka si siman ula macaamilay. Cilaaqaadka cid walba waad la yeelan kartaa, laakiin waa inaad isu eegtaa arrimaha oo isu miisaantaa. Mana aha inaad Taiwan ku idhabeesho ee waa inaad oggaataa in dawlad kale Shiinaha ah ay jirto oo cilaaqaad la yeelato una cadayso in aannay jirin wax aad kaga soo horjeedo, cilaaqaadka siyaasada arrimaha dibedda marka aad cid la samaynay waxay u baahanatahay in wax badan la eego oo laysku daalac naasilo laba dhinac oo iska soo horjeedana waad la yeelankartaa cilaaqaad. Laakiin waa inaad xarfadeedii iyo qorsheheedii la timaadaa.”ayuu yidhi, Prof. Buubaa.

La soco…. Qaybo kale oo waraysigaa ah.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com