Hargeysa(ANN)-Heshiis ayaa laga gaadhay doorashooyinka Somaliland ee mararka badan dib u dhacu ku yimi, kadib markii  Hoggaanka saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, maanta kala saxeexdeen heshiis rasmi ah oo ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee sannadka 2020-ka.

 

Heshiiska rasmiga ah ee laga  gaadhay qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo ay saxeexeen Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland,  ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyayaasha xisbiyada  UCID, Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali-waraabe iyo WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro),  ayaa u dhignaa sidatan:-