Araweelo News Network

dhismahamaxkamaddasareHargeysa (ANN)Maxkamadda Dastuuriga ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qaraar rasmi ah ka soo saartay kala qaadista labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo markii hore u wada muddaysnaa in la qabto 28 March 2017.

Maxkamadda Dastuuriga ah waxay aqbashay go’aan soo jeedin uu Madaxweyne Siilaanyo ku kala reebay labada doorasho oo ah in doorashada Madaxtooyada dhacdo 28 March 2017, halka doorashada Golaha Wakiillada dib loogu riixay muddo aan cayinayn si loo xalliyo khilaaf ka dhashay saami-qaybsiga kuraasta aqalkaasi ee gobollada dalka.

Fadhi furan Maxkamadda Sare yeelatay oo lagu casuumay xisbiyada qaranka, ayaa laga soo saaray qaraar ay ku xalaalaysay kala qaadista labada doorasho, isla markaana meesha ka saaray dacwad xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI kaga soo horjeestay arrintaasi oo uu u gudbiyey Maxkamadda.
Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga Somaliland Md. Aadan Xaaji Cali Axmed oo ku dhawaaqay go’aankan, ayaa sheegay in maxkamaddu qaraarkan ku salaysay shuruucda dalka, tixgelina siisay danta, wadajirka iyo nabadgalyada Qaranka Somaliland, isla markaana ay qiimaysay asbaabihii Madaxweynaha Somaliland ku saleeyey codsiga uu Maxkamadda u gudbiyey ee ku saabsan kala qaadista labada doorasho.
Guddoomiye Aadan Xaaji Cali oo shaacinaye qaraarka Maxkamaddu soo saartay, waxa uu yidhi, “Maxkamadda Dastuuriga ahi waxay aqbashay codsiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee dib-u-eegista uu kaga dalbaday in Maxkamadda Dastuuriga ahi dib-u-eegis ku samayso qaraarkeedii hore ee fasiraadda ahaa ee 2015-ka.
Maxkamaddu waxay wax ka beddeshay qaraarkii Maxkamadda Dastuuriga Jamhuuriyadda Somaliland ee ku taariikhaysnaa 18 August 2015.
Maxkamadda Dastuuriga ahi waxay qaraarisay in kala qaado labada doorasho ee kala ah; doorashada Madaxtooyada oo ah madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka iyo doorashada Golaha Wakiillada Somaliland, iyadoo doorashada Madaxtooyadu qabsoomi doonto xilligii Maxkamadda Dastuuriga ee Jamhuuriyadda Somaliland hore u go’aamisay ee ahaa 28-ka bisha March 2017, halka doorashada Golaha Wakiillada uu Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland uu waajibaadkiisa dastuuriga ah ka gudan doono bil ka hor dhammaadka muddo-xileedkooda si waafaqsan qodobka 42-aad, xubintiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Qaraarkan waxa loo cuskatay qodobada 97 iyo 98 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, qodobka 15aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka, qodobka 334aad ee Xeerka Habka Madaniga ah.”
Dhinaca kale, saddexda xisbi Qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ayaa dhammaantood si buuxda u soo wada dhaweeyey qaraarkan Maxkamadda Sare soo saartay, iyagoo mid waliba sheegay inuu taageeray oo uu u hoggaansamayo go’aankan.
Xisbiga WADDANI oo isagu hore u diidanaa in la kala qaado doorashadda, isla markaana dacwad ka dhan ah u gudbiyey Maxkamadda Sare, ayaa hadda aqbalay qaraarka Maxkamadda Dastuuriga ah.
“Waxaad hore u ogaydeen in labada doorasho maxkamaddu isa saartay, waakii Madaxweynaha ka fasiraad ka codsaday Maxkamadda Dastuuriga ah, isagoo Madaxweynuhu duruufo sheegay oo uu u soo gudbiyey, taas oo ahayd tii WADDANI-na ka dacwooday annagoo duruufahaa u arkaynay in aanay ahayn sax, laakiin hadda Maxkamaddu waxay fasirtay arrinkii Madaxweynaha oo ay u ogolaatay, laakiin waxay ku adkaysay in doorashada Madaxtooyadu dhacdo xilligii loogu talogalay oo aanay maalin dhaafin. Waxaannu Golaha Guurtida uga digaynaa inay farogeliyaan go’aankaa Maxkamadda Dastuurigu gaadhay ee muddada isku midka ah labada goor ay ku cayintay ee 28 March ah in doorashada Madaxtooyadu dhacdo.
Annaguna wixii qarankan u dan ahba waanu ku qancaynaa, waa Maxkamaddii Dastuuriga ahayd, waana Maxkamaddii Sare oo waanu ku khasbannahay.” Sidaa waxa yidhi Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.