Hargeysa(ANN)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay wehelinayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda Maxamed Cali Bile, Afhayeenka Madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac, wasiirka macdanta iyo tamarta Jaamac Maxamuud Cigaal iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiqaadir Sh. Maxamuud Muxumed (Dhegaweye) ayaa shalay Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Koob iyo Labaatan (21) dhalinyaro ah kuwaasi Xarunta CPA u Carbisay Hoggaaminta (Leadership) islamarkaana ka kala socday guud ahaanba Gobolada dalka Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo qaabilay dhalinyarada dufcadii labaad oo muddo sannad ah loo  tababarayo  Hoggaaminta kana koobnaa 21 xubnood oo ka socday Gobolada
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo qaabilay dhalinyarada dufcadii labaad oo muddo sannad ah loo tababarayo Hoggaaminta kana koobnaa 21 xubnood oo ka socday Gobolada

Dhalinyaradani oo ah dufcadii labaad oo muddo sannad ah lagu tababarayo Hoggaaminta kana koobnaa 21 xubnood oo ka socday Gobolada, ayaa markii uu qaabilay Madaxweyne ku xigeenku waxay ka dareen celiyeen soo dhaweynta iyo qaabilaada loogu sameeyey qasriga Madaxtooyada, waxaana ay xuseen yoolkooda ku aadan hoggaaminta iyo doorka barashada ee la xidhiidha qeybaha kala duwan ee Dawladnimada, iyagoo 21-ka xubnood ku tababaran doona waaxaha fulinta, garsoorka iyo sharci-dejinta.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebagebadii halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ aad iyo aad baan runtii idiin soo dhaweynayaa dhalinyarta iyo xarunta tababarka siyaasada ee runtii u xamaan qaadatay inay jihayso ama toosiso, tababarto dhalinta Somaliland iyadoo isaga keenaysa gobolada kala duwan aad iyo aad baanu CPA ugu mahad naqaynaa idinkana ka arday ahaan iyo ka macalin ahaanba aad iyo aad baan idiin soo dhaweynaynaa”

Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay muhiim tahay in dhismaha Xarumaha ay ka horayso in dadka la dhiso oo la tababaro si loo helo hoggaamin suuban waxaana uu yidhi Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa sii watay “hay’ad kasta oo la dhisayaba waxa ka horeeysa in qofka la dhiso intaan hawshaa loo dhiibin horta loo tababaro hawsha”.

Wa-bilaahi Tawfiiq

                Nasir Yusuf Dahir

Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland