Araweelo News Network.

Ma jirto cid ka qabanaysa in ay sidan arxandarada ah wax u iibiyaan, waxaanse Allah ka sugaynaa inuu naga soo gaadho kuwa aan naxariista lahayn.”Hooyo Danyar ah.

Hargeysa(ANN)-Qiimaha Maceeshada ayaa kor ugu kacay suuqayada Magaaladda Hargeysa, taas oo saamayn ku yeelatay dadka danyarta ah ee marka horeba la tacaalayay daruuriyaadka oo nolloshoodu ahayd qadaa ma dhergaan.

Tan iyo Bishii hore July waxa isa soo tarayay korodhka qiimaha maceeshada ee raashinka oo ay Bulshaddu si weyn u dareentay, waxaana kor u kacay qiimaha Bariiska, Sonkorta, Baastada, Saliida, halka qiimaha daqiiqda aannay waxba ku kordhin.

Qaar ka mid ah Bakhaarada iibiya raashinka, ayaa u sheegay sheegay Shebekaddaha Araweelo News Network, in marka la eego bishii hore ee July 2021, Bariiska Kiishka 50kgrm, qiimihiisu ahaa $ 50, waxaase si lama filaan ah uu kor ugu kacay August 2021, iyadoo uu gaadhay $ 53 dollar, taas oo ka dhigan in ay ku kordheen $3 dollar.

Sidoo kale, bishii July 2021, Sonkorta Kiishka 50kgrm, qiimihu wuxuu ahaa $ 31, laakiin August 2021, ayuu kordhay qiimihu, isagoo gaadhay $ 33 dollar, waxana ku kordhay $ 2 dollar.

Qiimaha Kartuunka Saliida oo 4 caagadood ah, isla markaana midiiba ay ku jiraan 5 Ltr, qiimihu wuxuu ahaa July 2021, $ 30, waxayna xilligan maraysaa $ 38, waxaa ku kordhay $8 dollar.

Sidoo kale, waxa si layaable u korodhay Saliida aan safaysnayn ee uu keeno ganacsade Omaar oo ku jirta shirikaamada 20 Ltr, taas oo qimeheedu marayay July 2021, $ 17 dollar, balse waxa mar keliya kacay qiimaha lagu iiboyo maraysaa August 2021, $ 31 dollar, waxaana ku kordhay $ 13 dollar shirikaanka saliida ee noocaa ah, taas oo inta baddan ay isticmaalaan dadka danyarta ah ee aan awooddin in ay iibsadaan Saliida ku jirta Caagadaha 5Ltr oo lagu tilmaamo in ay tahay mid safaysan, taas oo ganacsatp kala duwan ay keento, halka nooca ka mid ah dalka lagu farsameeyo. ,

Waxa kale oo kordhay qiimaha Kartuunka Baastada ee 10kgr, waxayna halkii ay bushii hore July 2021,  ka ahayd $ 7 dollar, gaadhay August 2021,  $ 8.5, taas oo ka dhigay qiimaha kordhay Kartuunka Baastada  $ 1.5 dollar.

Korodhka Maceeshada oo ay si weyn dadku u dareemeen, isla markaana ay si gaar ah ugu nugul yihiin dadka aan haysan dhaqaale buuran ee la xarbiya nolol maalmeedkooda, “lama garanayo waxay ganacsatadu qiimaha maceeshada sidan ugu kiciyeen, mana jirto cid ka qabanaysa in ay sidan arxandarada ah wax u iibiyaan, waxaanse Allah ka sugaynaa inuu naga soo gaadho kuwa aan naxariista lahayn.” Sidaa waxa tidhi, Hooyo da’anyar ah oo ka cabanaysay korodhka qiimaha maceeshada.

 

Mana jiro wax war ah oo ay xukuumaddu kasoo saartay korodhka qiimaha maceeshada oo kor usii socda labadii bilood ee u danbeeyay, isla markaana shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa isku deyey in ay arrintan wax ka weydiiyaan Wasaaradda Ganacsiga Somaliland, balse uma suurtagelin.

Dhinaca kale, inta baddan ganacsatada Somaliland ee maceeshada iyo alaabooyinka kale maaha qiimaha ay wax ku iibiyaan mid la dhaqdhaqaaqa suuqyada ganacsiga aduunka, taas oo sababta in marka ay doonaan qiimaha maceeshada kordhiyaan, balse waxay xilliyadii hore foodsaaro uga dhigan jireen in la kordhiyo maceeshada iyo alaabta kale xilliyada aannu fadhiyin qiimaha isku bedelka sarifka lacagta adag ee dollarka iyo shillinka Somaliland, wallow annaay xilligan muuqan faraq dhinaca dhaqdhaqaaqa suuqa sarifka dollarka oo laga dareemayo Somaliland.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com