Hargeysa(ANN)-Kulan lagu qiimaynayay qorshaha Hiigsiga heer Qaran ee Xakamaynta Cudurka AIDs-ka, ayaa maanta ka furmay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, kaas oo soo qaban-qaabisay xarunta Komishanka Heer Qaran ee Xakamaynta Cudurka AIDS ee SOLNAC.


Kulankaa oo socon doona 17-ka ilaa 21-ka bishan November, waxaa furitaankiisa ka qayb-galay Masuuliyiinta ugu sarreysa Komishanka, masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Hay’addha Caalamiga ah ee dhinaca Caafimaadka kala shaqeeya Wasaaradda iyo Komishanka.

Agaasimaha Fulinta Komishanka Xakameynta Cudurka AIDs-ka ee SOLNAC, Cabdishakuur Ismaaciil Muumin oo ka warbixiyey ujeeddada uu daaran yahay shirka maanta furmay iyo Arrimaha lagaga hadli doono muddada Shanta maalmood ah ee shirku socdo, wuxuuna Agaasime Cabdishakuur sharaxay qorshaha la doonayo in kulankaa uu kasoo baxo.


Halkan ka Daawo