Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Roobab Mahiigan ah, ayaa ka Da’aya deegaamada galbeedka Somaliland, waxaana wararka ka imanaya gobolka Saaxil sheegayaan in Magaalada Berbera Roobabku Khasaare gaadhsiiyeen, iyadoo inta la ogyahay roobabka Ilaa xalay ka curtay deegaanka gobolka Saaxil hal qof ku nafwaayay, Isla markaana hal qof oo kale ku dhaawacmay, sida ay sheegeen Masuuliyiinta gobolka Saaxil oo la tacaalaya sidii loogu gurman lahaa dadkaa.

 

Saraakiisha Magaalada Berbera, ayaa sheegay in Ilaa boqol Qoys laga Daad gureeyay guryihii ay deganaayeen kadib cabsi soo waajahday, waxaana sidoo kale ay sheegayaan in Degmada Bilaxaar ay ku jirto go’doon oo aan war sax ah laga hayn deegaankaa oo roobab xoog lihi ka da’ayaan.

Roobabka dhinaca Xeebaha galbeedka, ayaa sidoo kale wararka laga soo sheegayaa xuseen in deegaamada Lughaya, Saylac aanay jirin Khasaare nafeed oo ay geysteen roobabka oo Ilaa xalay ka da’ayay deegaamadaa, balse waxay wararkaasu xuseen in qoysas laga Daad dureeyay Magaalada Saylac oo la geeyay deegaanka Dokhoshi ay dib ugu soo laabteen guryohooda, kadib markii ay roobabku khasaarihii laga cabsi qabay aanay geysan deegaamadaa.

Hase yeeshee roobabka caawa, ayaa laga cabsi qabaa inay Khasaare geystaan, walaw dhinaca Xarunta gobolka Awdal ee Boorama laga soo sheegayo  inay caawa curteen roobab dabalaylo wata oo sababay in la bakhtiiyo Laydhaka, iyadoo laga cabsi qabo in Khasaare ay geystaan roobabka dabaylaha wataa, waxaana Jira warar sheegayaa in Degmada Boon uu hal qof ku nafwaayay  roobabka dabalaylaha wata ee ka curtay caawa, Isla markaana dhismayaal ku yaal deegaanka Boon Khasaare soo gaadhay. Sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Sidoo kale Degmada Baki, ayaa laga soo sheegayaa in hal qof ku dhaawacmay roobabka caawa ka curtay deegaamada galbeedka Somaliland, Isla markaana deegaanka Baki roobabku khasaare u geysteen Beero ku yaal deegaankaa.

Dhinaca xeebaha Xiis Iyo Maydh ma Jiro wax Khasaare ah oo laga soo sheegay, walaw ay isgaadhsintu adag tahay, balse dadka deegaanka, ayaa sheegaya in roobabku weli hayaan oo ay jirto cabsi weyn oo dadku ka qabo roobabka oo wata duufaan.

Roobabka oo Ilaa shalay ka da’ayay xeebaha Bariga Somaliland, ayaa Khasaare u geystay Laashash Magaalada Xeebta ah ee Laasqoray, waxaana la sheegayaa in aanay inta baddan dabalaylihii duufaanka ahaa ee la saadaalinayay aanay ka dhicin xeebaha Somaliland.

Balse xeebaha Dalka Yemen ee ku dhereran Bada cas, ayaa laga soo sheegayaa inay inta badan ku dhinteen roobabka wata dabaylaha duufaanka ah, kuwaas oo Khasaare geystay.

Sidoo kale deegaamo ka mid ah xeebaha Maamul goboleedka Puntland, ayaa meelaha qaar duufaanku Khasaare gaadhsiiyay.

 

 

Hay’adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO ayaa sheegtay in la filayo in ay mahiigaannada ka da’aya qaybo ka mid ah Puntland iyo Somaliland ay ka sii daraan labada maalmood ee foodda inagu soo haya, waxayna roobabku bilaabmeen maalin kadib markii digniinta laga soo saaray duufaanta iyo roobabka mahiigaanka ah.