Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa xoriyadooda u celisay Af-hayeenka DDANI, Barkhad Jaamac Batuun iyo Xoghayihii Xisbigaa, Khadar Xuseen Cabd, kuwaas oo muddo ku dhow laba todobaad ku jiray Xabsiga Mandheera, kadib markii 17 Nov, 2019, xabsiga loo taxaabay.

Afhayeenka xabsiga WADDANI, Barkhad Jaamac Batuun iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa markii lasoo daayay, waxa warbaahinta kula hadlay Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, Garyaqaan Barkhad, isagoo yidhi, “waxaan aad ugu mahad-naqaynaa cid kasta oo qallin iyo qowlba noogu hiilisay. xoriyadayadiina waanu helnay,”ayuu yidhi Barkhad Jaamac Batuun, wuxuuna xusay inay mar danbe arrimahaa kala hadlaayaan warbaahinta.

Labada Sarkaal ayaa la xidhay saacado kadib markii uu Guddoomiyaha WADDANi, Cabdiraxmaan Cirro ku baaqay isu soo baxyo ay ku muujinayaan sida ay u diidan yiihiin tallaabooyinka xukuumadda ee la xidhiidha arrimaha muranka Komishanka doorashooyinka, waxayna xukuumaddu ku eedaysay labada sarkaal ee Barkhad Jaamac Batuun iyo Khadar Xuseen Cabdi inay abaabulayeen dibad-baxyo sharci darro ah oo guddoomiyaha xisbiga waddani ugu baaqay taageeraashiisa 17 Nov 2019.


Sidoo kale, waxa xabsiga laga soo daayay nin lagu magcaabo Muj. Cabdi Ibraahim, (Cabdi Dhaw-dhawle), oo ka tirsan xisbiga WADDANI, kaas oo warbaahinta ka hadlay maalmaha ay xiisada u dhaxaysa mucaaradka iyo Xukuuumaddu taagnayd, waxaana la raaciyay Muj. Cabdi Ibraahim weedho kasop baxay markii uu la hadlayay warbaahinta, iyadoo naanays looga dhigay weedha sida weyn boggaga bulshada u dhexqaaday ee I”Ila Meerayso”. isagoo siyaasada Xukuumadda Madaxweyne ku tilmaamay mid sidaa u eeg.

AKHRI: Guddoomiyaha WADDANI Oo Xaqiijiyay Xadhiga Xog-hayihii Iyo Afhayeenkii Xisbiga

Siideynta Labada Sarkaal ee iyo Muj . Cabdi Ibraahim, waxay ka danbaysay kadib markii ay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi la kulmeen Ergo dhexdhexaadin oo isugu jiray Culimo, Madax-dhaqameed iyo ganacsato, waxayna isaga dab-qaadayay saacadihii lasoo dhaafay Xukuumada iyo Xisbiga WADDANI, iyagoo sheegay maanta inay ku guulaysteen sidii loo soo deyn lahaa saraakiisha WADDANI.
Ergada hawsha dhexdhexaadinta ku jirtay, ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi inuu aqbalo sii deynta saraakiisha WADDANi iyo muwaadinka kale ee u xidhnaa arrimahaa, waxayna sidoo kale uga mahad celiyeen Xisbiga WADDANi, inay siiyaan kalsooni ay arrintaa ku galaan, iyagoo dhinaca kale xusay inay arrimaha kale ee laysku khialafsanyahay loo gudbi doono, waxayna dhinacyada ka codsadeen in aan wax abuuraya xiisad iyo nabadgelyadaro la samayn inta ay ku jiraan hawshaa.