araweelonews-300x168Hargeysa(ANN)Shil Baabuur oo ka dhacay Duleedka dhinaca Bari ee magaalada Hageysa, ayaa sababay dhimashada Allah ha u naxariistee Weli Daa’uud Cigaal oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee Wasaaradda Maaiyadda Somaliland iyo Marxuum Axmed Daa,uud Yuusuf oo ka mid ahaa Bahda suxufiyiinta Somaliland iyo farsamayaaqanada Telefishanka Madaxa banaan ee Horn Cable TV.

Sidoo Kale, waxa shilkaa ku dhintay mid ka mid ah Askarta Ilaalada Wasiirka Maaliyadda Somaliland. Sidaana wax a shebekada Araweelo News Network u xaqiiyay warar hordhac ah oo kasoo baxay shilkaa oo ka dhacay duleedka magaalada Hargeysa ee dhinaca Bari ee aan ka fogayn Aw-Barkhale. kadib markii ay isu dhaceen Gaadhi kuwa Xamuulka ah oo Booyad Saarantahay.

Gaadhiga sababay shilka geerida naxdinta leh, waxa ka badbaaday oo keliya dareewalkii gaadhiga, wuxuuna gaadhiga oo nooca loo yaqaan NOHA ka mid ahaa Kolanyo gaadiid oo ka mid ahaa wefdi Wasiirka Maaliyada oo Marwo Zamsam Cabdi Aadan oo safar shaqo kaga soo laabatay magaalada Berbera.

Sadexda Marxuum iyo Dareewalkii gaadhiga oo dhaawac ah ayaa Caweyskii caawa la geeyay Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, iyadoo subaxnimada lagu Aasi doono Xabaalaha Bariga Magaalada Hargeysa ee Naasa-hablood.

Bahda Shebekadda Wararka ee Araweelo News Network, waxay Tacsi Tiiraanyo leh u diraysaa Qoysaskii, Eheladii iyo Asxaabta sadexdaa Marxuum, waxayna Illaahay uga baryayaan inuu Naxariistii Janafardawsa ka waraabiyo iyagan Samir iyo Iimaan ka siiyo.
Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun/

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews