Muqdisho(ANN)-Xukumadda Federaalka  ee Soomaaliya, ayaa ku dhwaaaqday in ay maalinta Beri tahay Ciid, kadib markii ay Xarakada Alshabaab sheegeen in lagu arkay Bisha deegaamo ka mid ah Kuwa ay ka taliyaan.

Bayaan  baxay Maktabka Qadaha Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dhalashadii bisha Shawaal laga arkay ilaa saddex deegaan oo ka tirsan Wilaayaatka Islaamiga ah.

Marktbka qadaha ayaa sheegay in dad Muslimiin ah oo gaadhaya ilaa 15 qof oo ku dhaqan Wilaayaatka Islaamiga ah ay arkeen dhalashada bisha Shawaal.

Deegaanada laga arkay bisha Shawaal ayaa waxaa kamid ah Degmada Ufuroow ee Wilaayada Baay & Bakool, Deegaanka Waraha Dhoobleey ee Wilaayada Jubbooyinka iyo duleedka deegaanka Gamboole ee Wilaayada Shabeellada Dhexe.

Bayaanka kasoo baxay Maktabka Qadaha ayaa lagu sheegay in 10 qof  oo Muslimiin ah ay bisha ku arkeen duleedka Gamboole, 3 kalena ay ku arkeen Waraha Dhoobleey halka 2 qofood oo kalena ay ku arkeen Degmada Ufuroow

Sidaas daraadeed Maktabka Qadaha ee Xarkada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u iclaamiyay in maalinta berri oo Sabti ah ay tahay ciidul Fitri.

Madaxwnaha Dawlada Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhankiisa sheegay in ay tahay Ciid .

Ma jirto caalamka Islaamka Cid aragtay.

Dhinaca kale Xukuumadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday xili danbe in ay tahay Ciid maalinta Sabtida ee beri, sidaana waxa sheegay Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Shekh Khaliilcabdullaahi’  iyadoo saqdii dhexe  laga bilaabay Masaajiidada Magaalooyinka Somaliland Takbiirta.