Hargeysa (ANN)–Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed,  ayaa maanta furay tababar kor loogu qaadayo aqoonta hawl-wadeennada waaxyaha kala duwan ee wasaaraddaa.

Tababarkaas oo ay bixinayeen macallimiin ka socota ururka waddaniga ah ee MARWO Development Action, waxa furitaankii hadalo ka jeediyay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda.

Saxafi Barkhad Maxaned Kaariye oo Tababarka bixinaya iyo qaybgalayaasha Tababarka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta 25 Dec 2018.





Saxafi Barkhad Maxaned Kaariye oo Tababarka bixinaya iyo qaybgalayaasha Tababarka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta 25 Dec 2018.

 Wasiirka wasaaraddaa Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed iyo sidoo kale Agaasimaha guud Sheekh Aadam Cabdillaahi Cabdalle, ayaa sheegay in looga dan leeyahay tababarkan in lagu kobciyo aqoonta hawlwadeennada wasaaradda, gaar ahaan dhinaca hab-qoraalka quman, wada-xidhiidhka iyo xirfadaha maamulka ee xafiis, kuwaas oo uu tilmaamay inay wax weyn ku kordhinayso shaqada maalinlaha ah ee wasaaradda. Agaasimuhu wuxuu u mahadnaqay Wasiirka wasaaradda oo uu tilmaamay inuu qayb ka ahaa hirgelinta aqoonkorodhsigan.

 Masuuliyiinta ururka waddaniga ah ee MARWO ayuu sidoo kale agaasimuhu uga mahadnaqay inay wakhtigooda huraan, waxaanu sheegay in qabanqaabada tababarkan ay u hagarbaxeen.isagoo yidhi,  “Tababarka noocan ah qof kasta oo shaqaynaya wuu u baahan yahay, sababtoo ah, in qofku shaqada uu qabanayo uu qaato hadba aqoonteeda la xidhiidha isagoo shaqaynaya waxay waxtar u tahay qofka iyo shaqadaba.” Ayuu yidhi Agaasimaha guud, waxaanu intaa raaciyay, “Waxaannu ku talogalnay in aanu qoloba maalin shaqadooda ku tababarno, markaa maanta shaqaalihiina fursaddan helay idinka ayaa nasiib u yeeshay. Sidaa darteed, anigoo og aqoontiina, jaamacadaha aad ka baxdeen iyo kartidiina, haddana haddii aad tababarkan sidiisa u qaadataan, waxaan ogahay inaynu gaadhi doono ahdaafta aynu leenahay.”

Sidoo kale, Suxufi  Barkhad Maxamuud Kaariye oo  ah Macalin Jaamacadeed, isla markaana ka mid ahaa macallimiinta tababarka bixinayay, wuxuuna , isagoo ku hadlayay magaca ururka MARWO , tilmaamay in tababarkan dulucdiisa u weyni ay  tahay carinta maskaxda hawlwadeennada iyo sidoo kale xusuusinta muhiimadda hawl-maalmeedka shaqada wasaaradda, waxaanu xusay in duruusta la dhigan doono maalmaha tababarkani socdo ay ka turjumi doonaan baahiyaha jira. “Waa aqoonkorodhsi aynu ku wadaagi doono cilmi aad qaarkiin hore u ogaydeen,  balse la idin xusuusinayo, qaarkiin kalena maskaxdooda lagu carinayo si kor loogu qaado shaqada aad u xilsaaran tihiin,” ayuu yidhi Barkhad Maxamuud Kaariye.

Ugu dambayn, wasiirka wasaaraddaas Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday sida diiniyan in cilmi la korodhsadaa muhiim u tahay, waxaanu u mahadnaqay ururka waddaniga ah ee MARWO iyo Agaasimaha guud oo uu sheegay inay qabanqaabada iyo bixinta tababarkan iska kaashanayaan hirgelintiisa. Wasiirku waxa uu ka warbixiyay muhiimadda tababarkan, “Tababarkan idinka oo shaqaalaha ah iyo annagaba fursad bay inoo tahay, sababtoo ah iyadoo siyaasadda guud ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay sidii ay shaqaalaha uga dhigi lahaayeen dad hanan kara shaqada loo igmaday, haddana xil iyo waajib baa naga saaran in shaqaalaha aqoontooda la kobciyo,” ayuu yidhi wasiirku, waxaanu ku boorriyay hawlwadeennada inay duruustaas ka faa’idaystaan inta tababarku socdo, isla markaana ay hawlwadeennada kale ee aan nasiibka u helin u sii gudbiyaan aqoonta ay helaan. Waxaanu wasiirku furay tababarkaas oo socon doona muddo shan maalmood ah.