Hargeysa(ANN)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa warbixinaha uu maalib walba la wadaago warbaahinta ee xannuunka Coronavirus ku shaacisay maanta, in ay korodhay tirade dadka laga helay xannuunka COVID-19.

 

Warbixinta, ayaa lagu sheegtay in 24-kii saacadood ee u dambeeyey laga helay xannuunkaas 25 (shan iyo labaatan qof) oo cusub, taas oo tirada guud ee dadka laga helay Coronavirus ka dhigaysa 504 qof.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland waxay sheegtay in dadkaas laga helay xannuunka ay saddex iyo labaatan ka mid ahi ay reer Somaliland yihiin, halka laba ka mid ahi u dhasheen dalka Pakistan, kuwaas oo laba iyo toban ka mid ah ay rag yihiin halka saddex iyo tabanka kalena ay yihiin dumar.

Sidoo kale, Warbixinta wasaaradda caafimaaka, ayaa lagu sheegay in dadka laga helay xannuunka ay da’doodu u dhaxayso hal sanno jir  illaa sagaal iyo sideetan jir, kuwaas oo ku sugan magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

 

Sidoo waxay sheegtay in saddex qof oo cusbi ka bogsadeen xannuunka Coronavirus, taas oo tirada guud ee dadka ka bogsaday xannuunkaas ka dhigaysa 84 qof, iyadoo aannay jirin wax dhimasho ah oo kusoo kordhay tiradii hore oo ahayd 26 qof.

Dhinaca kale,  wasaaaradda horumarinta Caafimaadku, waxay bulshada u soo jeedisay inay ilaaliyaan nadaafadda guud, isla markaana ay kala fogaadaan kana taxdaraan halista xannuunka COVID-19,  kaas oo ay sheegeen inuu ku fidayo bulshada.