Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa si weyn u dhaliilay siyaasada xukuumadda Madaxweyne Biixi, wuxuuna ku hanjabay in aannay Madaxweyne u aqoonsanayn haddii aannu doorashada Madaxtooyadda qaban wixii ka danbeeya 23 November 2022.

Guddoomiye Faysal oo khudabad ka jeediyay shirweynaha Afraad ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka Somaliland oo labaatan jirsaday oo maanta ka furmay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa madasha shirka ka sheegay in uu markii Afraad yahay murrashax u taagan tartanka doorashada Madaxtooyadda Somaliland, wuxuuna meesha ka saaray inuu ka hadhayo hankiisa uu labaatanka sannadood ku raadinayay inuu Madaxweyne ka noqdo dalka.

Wuxuu ku macneeyay doonistiisa hoggaaminta dalka mid uu ku badbaadinayo qaranka, isagoo yidhi, “Maanta Maxamed Xaji Ibraahin Cigaal halkii uu inaga qaaday ayaynu joognaa, dadkii uu inaga fur-furay ayaa ina haysta,  anaa idinka fur-furaya insha Allaah. Rag aan ogahay oo iska daa in ay xisbi furtaane aan maqaaxi furan karin, ayaa yidhi axsaab baan furaynaa.” Ayuu yidhi, Guddoomiye Faysal.

“Maanta Maxamed Xaji Ibraahin Cigaal halkii uu inaga qaaday ayaynu joognaa, dadkii uu inaga fur-furay ayaa ina haysta,  anaa idinka fur-furaya insha Allaah, markaa wuxuu u jeeda inuu aniga iyo Cirro xabaasha na mariyo uu lasoo baxo laba Biibitoole la tartamao, anagaad nala tartamaysaa, ayuu raaciyay.

Guddoomiye Faysal, wuxuu ku hanjabay in haddii ay doorashadu dhici weydo aannay Madaxweyne u aqoonsanayn Musue, “Annagu ma nihin raggaad qaaxo kaga soo adkaatay Muuse Biixoow bisha November haddii doorasho dhici weydo Madaxweyne kuu aqbalimayno”

Sidoo kale, guddoomiye Faysal wuxuu sheegay in aannay dhacayn in Maayar danbe oo Wasiir daakhili u diido in ay shir qabsadaan, waxaan doonaynaa maxkamad sare oo xor ah oo cadaalad ku shaqaysa iyo Baarlamaan isku kalsoon, waxaan furaynaa dastuurka si aynu uga buuxino meelaha daldaloolka ah” ayuu yidhi, wuxuuna carabka ku dhuftay in loo baahan yahay laba kaclayn Somaliland ah, isla markaana ay midaynayaan dadka oo ay ka saarayaan qabyaalada si sharciga loogu socdo.

Guddoomiyaha UCID, wuxuu isagoo ka hadlaya sida ay uga go’antahay inuu weli sii hoggaamiyo xisbiga iyo rabitaanka damaciisa aan dhamaan ee Madaxweynaha yidhi, “Ma Fadhiisanyo ee Guddoomiyaha waan u sharaxanahay Madaxweynahana waan u tartamayaa, idinka ka tegimaayo ilaa aan Somaliland cagaha u taago, waxaan u imi in aan Somaliland cagaha u taago, in aan daaro ka dhsito, in aan dhulka boobo oo qabyaalad iyo cunfi ka shaqeeyo uma iman inaasiba Madaxtooyadda ayay fadhidaa.” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

Muuqaalka Halkan Ka Daawo

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com