Araweelo News Network

biyaxidheenkaHargeysa (ANN)Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa kormeer indho-indhayn ah ku tegay mashruuca biyo-xidheenka Xumbo-weyne ee degaanka Laas-geel.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada xalay, masuuliyiinta mashruucaas, ayaa caddeeyey inay dhammaystirkiisa soo gunaanadi doonaan bisha April ee sannadka 2017, haddii Ilaahay yidhaah.

biyaxidheenka2
“Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), isla markaana ah ku-simaha Madaxweynaha Somaliland, ayaa kormeer-hawleed ku tagay Mashruuca Biyo-xidheenka Xumbo-weyne ee degmada Laas-Geel. Muddadii uu Madaxweyne-ku-xigeenku ku jiray kormeerka hawleed waxa uu war-bixin iyo faah-faahinba ka dhegaystay Agaasimaha Guud, Ingineerrada iyo farsamo-yaqaannada Shirkadda CONSER oo ah hay’adda u xilsaaran fulinta dhismaha iyo dhammaystirka Mashruucan Biyo-xidheenka Xumbo-weyne. Mashruucan oo run ahaantii faa’iidooyin badan u leh dadka, duunyada iyo Degaankaba waxa gebi ahaanba maal-gelinaysa Hay’adda Khayriga ah ee Khalifa Bin Xayed al Nahyan Foundation oo laga leeyahay dalka Midawga Imaaraatka Carabta (UAE).
Agaasimaha Guud ee Shirkadda CONSER Eng. Harun oo munaasibaddan awgeed dalka dib ugu soo laabtay, ayaa si qoto-dheer uga xog waramay qalabka (materials), mishiinnada waaweyn (heavy duty machines) iyo shaybaadhada lagu baadho tayada shubka (reinforced concrete laboratories) ee ay Shirkaddiisu dalka la timi, kuwaasoo noocoodu aannu dalka hore u oolin. Agaasimaha Guud ee Shirkadda CONSER wuxuu sheegay in goobta laga dhisayo Biyo-xidheenka Xumbo-weyne ay tahay meel Ilaahay ku manaystay wax-yaabibihii ugu muhiimsanaa ee lagama maarmaanka u ahaa Dhismaha Dhaamka.
Eng. Harun wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in dhagaxa iyo Ciidda taal bugcadan ay yihiin kuwo ay tayadoodu aad u sarrayso oo aad ugu habboon shubka iyo sibidhka lagu dhisayo Dhaamka, taasina ay dedejin karto dhammaystirka Mashruucan ballaadhan ee Biyo-xidheenka. Masuulkani wuxuu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in Mashruucani uu dhammaystirmo ilaa bisha April ee 2017-ka, haddii Allah Idmo.
Madaxweyne-ku-xigeenka waxa weftigiisa ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirul-dawlaha Qorshaynta, Wasiirul-dawlaha Biyaha, Duqa Caasimadda, Af-hayeenka Madaxtooyada iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa. Munaasabad kooban oo ay masuuliyiinta degaanku ku soo dhaweynayeen Madaxweyne-ku-xigeenka iyo weftigiisa, waxa hadallo kooban ka soo jeediyey masuuliyiin dhawr ah kuwaasoo dhammaantoodba hoosta ka xariiqay faa’iidada mashruucani u leeyahay dalka iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in bulshadu ay taageeraan, isla markaana ay ka faa’iidaystaan mashaariicda horumarinta ee ay Xukuumaddu ku horumarinayso adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha bulshada.
Geba-gabadii booqasho-hawleedkii uu Madaxweyne-ku-xigeenku ku tagay Mashruuca Biyo-xidheenka Xumbo-weyne ee degmada Laas-Geel, waxa ka uu yidhi; “Runtii waxa farxad noo ah in aannu soo kormeerno amma in aannu soo booqano, mashruucii koowaad ee noociisa ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga fuliyo oo ah mashruuc biyo xidheen ah oo in badan ummadda reer Somaliland ku hamiyeysay, in la qabto biyaha faraha badan leh ee badda gala, waxanan aad iyo aad ugu farxsanahay mashruucan oo dhawr bilood ka hor uu dhagax-dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa kaloo aan aad ugu faraxsanahay isbeddelka durba ka muuqda halkan, waxanan marka hore u mahadnaqayaa bulshada degaanka Laas-geel sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen mashruuca ama ay u ilaaliyeen ee ay ula shaqeeyeen shirkadda, waana mida dhamaantood looga baahan yahay shacbiga Somaliland oo dhan in mashaariicda horumarinta la soo dhaweeyo, danteenaa ku jirta, horumarkeenaa ku jira, markuu mashruuc yimaad in cidla uun laga qayliyo oo inta aan wanaaga jeclayn iyo inta aan horumarka jeclayni ay iska qayliyaan ee danaha gaarka ah lihi looma baahna. Waxa aannu hadh iyo habeen haddii aanu nahay madaxdii qaranka aanu heegan u nahay in dalkan horumar ballaadhan la gaadhsiiyo, isbeddel badan laga sameeyo, kaas ayaana koow ah isbeddeladii waanu socon doonaa insha Allaah, qaybta labaad ee dhaamkanna waxa laga hirgelin doonaa Insha Allaah Gobolka Laascaanood, sidaa la sheegay oo runtii isna biyaha aad iyo aad dhibaato ugu qaba oo wax ka tari doonta baahidiisa biyood, sidaasi ayaa insha Allaa gobollada kalena loo gaadhsiin doonaa.
Shirkadan iyo shirkadaha kale ee danta loo arko inay dadka iyo dalka wax u qabanayaan in la soo dhaweeyo ayaa loo baahan yahay. Hay’adan aad ayaan ugu mahadnaqaynaa sida dhakhsaha leh ee ay hawsha intaa le’eg u qabatay, iyadoo weliba xili-roobad ah wakhti badana uu ka qaatay, iyo sida ay hawshan u dhaqaajiyeen oo aan ku hambalyeynayno runtii, waanad ku mahadsan tihiin deegaanka sida wanaagsan ee aad ula shaqayseen hay’adda, wanan ku faraxsanahay in aannu aragno shaqadii shalay dhagaxa la dhigay oo si wanaagsan u socota, waanad mahadsantihiin dhammaantiin,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada xalay.