Hargeysa(ANN)-Guddida Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland u magcawday ka hor-tagga COVID-19, ayaa soo saaray warbixintii u horraysay ee ay ku shaaciyaan dhaqaalaha soo gaadhay ee lacagta caddaanka ah iyo deeqaha kale ee soo gaadhay.

Qoraal ka koobban shan Bog oo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo ah Guddoomiyaha Guddida COVID-19, maanta u akhriyay Warbaahinta, ayaa u dhignaa sidan: –

 

Hordhac:
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo maanka ku haysa kana taxadiraysa halista iyo saamaynta baaxadda leh ee uu Xanuunka COVID-19 ku yeelan karo Qaranka
JSL, waxay horraantii sanadka 2020 bilawday qorshayaal Qaran oo ay ugu diyaar
garoobayso, kagana hor-tagayso Xanuunka Corona-Virus.
Dedaalada ay Xukuumadu horseedka ka thay ee lagu bedbaadinayo ummadda ka sokow, waxa iyana lagama maarmaan ah doorka bulshada Jam. Somaliland kaga aaddan u-diyaargarowga iyo ka hortagga Xanuunka Corona-Virus oo ah mid dunida oo dhan khatar ku ah.


Sida aynu ogsoonahay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu magacaabay Guddi heer Qaran ah oo uu u xilsaaray u diyaar-garawga iyo
ka-hor-tagga Xanuunka Corona-Virus.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu amray in la
hirgliyo Sanaaduuq Maaliyadeed oo loogu talo galay in wax lagaga qabto saamaynta caafimaad, ta dhaqaale iyo ta bulsho ee uu Xanuunka COVID-19 dalkeena ku yeelan karo. Sanaaduuqdaasna waxay kala yihiin:

1. Sanduuqa Hawlaha Caafimaadka:
Xukuumaddu waxa ay sanduuqan ku shubtay lacag dhan $1,500,000 (Hal Milyan iyo Shan boqol oo kun) oo Dollar oo loogu talo galay ka-hor-tagga , la dagaalanka iyo
maaraynta saamaynta caafimaad ee Xanuunka COVID-19. Lacagta sanduuqan lagu shubay ayaa loo asteeyey in ay ku baxdo:Wacyigelin, Hawl-socodsiin, Agab iyo Daawooyin.

2. Sanduuqa Qoys Kaab:
Sanduuqa Qoys Kaab waxa ay Xukuumaddu ku shubtay lacag dhan $1,000,000 ( Hal milyan) oo Dollar oo lagu talo galay quudinta 20,000 oo Qoys, oo ah dadka xanuunka
COVID-19 uu saamaynta gaarka ah ku yeeshay. Qoysaskani waxay qeyb ka yihiin 60,000

Page 2 of 5
ee Qoys oo ay Guddida COVID-19 hore ugu dhawaaqday in la taakulayn doono. Waxa xusid mudan in muwaadiniinta ganacsatada ah ee Jamhuuriyadda Somaliland u dhashay, shirkado iyo ururraba ay qeyb ka yihiin taakulaynta Qoysaska uu saameeyey xanuunku ee gar-gaarka loo fidininayo. Waxa todobaadkan Gobollada dalka laga qaybin doonaa wejiga Koowaad ee raashin loogu talo galay dadka jilicsan, kuwaasoo gaadhaya 40,000 oo Qoys. Hawsha qorshaynta iyo qaybinta raashinka waxa loo xilsaaray Guddiyo heer Gobol ilaa heer Degmo ah oo lagala xisaabtami doono.

3. Sanduuqa Shaqo Kaab:
Sanduuqan waxay Xukuumadu ugu tala gashay in mustaqbalka laga caawiyo ganacsatada yaryar ee uu Xanuunka COVID-19 saamaynta dhaqaale ku reebay, waxaana ay xukuumaddu u qoondaysay lacag dhan 1,000,000 (Hal milyan) oo Dollar. Xukuumaddu waxay ugu baaqaysaa dhammaan Hay’adaha Caalamiga ah, Ganacsatada iyo muwadiniinta reer Somaliland-ba inay ka qayb qaataan sanduuqan.

4. Sanduuqa Dalag Kaab:
Sanduuqan waxay Xukuumaddu u qoondaysay lacag dhan 1,000,000 (Hal milyan) oo Dollar oo loogu tala galay in lagu dhiiri geliyo wax soo saarka beeralayda dalka. Raashinka ay beeralaydu soo saartay sannadkii hore, Xukuumadda ayaa ka iibsanaysa, waxana loogu deeqi doonaa, haddii Alla Idmo, dadka ay dhibaatadu ka soo gaadhay Xanuunka COVID-19. Haatan waxa socda qorshihii arrintan lagu hirgelin lahaa, waxana loo xilsaaray Wasiirka Beeraha, Wasiirka Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Hay’adda Hay’dda u diyaargrowga Aafooyinka iyo Kaydka Rashinka Qaranka.

Deeqaha Guddida Covid-19 soo Gaadhay ama loogu Yaboohay:

1. Mulkiilaha Shirkadda World Remit:
Mulkiilaha Shirkadda World Remit, waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland ku caawiyey qalab caafimaad oo isugu jira af-saab, gacmo-gashi, jeermis dilayaasha gacmaha (hand sanitizers) iyo qalabka loogu talogalay dhakhaatiirta iyo kal-kaaliyeyaasha caafimaadka ee safka hore ee iyagu la tacaalaya Xannuunkan COVID-19. Qalabkaa uu ku deeqay mulkiilaha shirkadda World Remit qiimahiisu wuxuu dhan yahay $1,000,000 (hal milyan
oo doollar).

Guddida Heer Qaran ee COVID-19 waxay jeceshahay inay bulshada u bayaamiso in qalabkaasi aanu weli si buuxda u soo gelin gacanta Guddida COVID-19, marka laga reebo tiro kooban oo ah af-saab, gacmo-gashi, jeermis dilayaasha gacmaha (hand sanitizers);
balse qalabka badidiisu ay dhexda ku soo jirto, In Sha Allah dhawaana uu qalabkaasi ina
soo gaadhi doono.

Page 3 of 5
Dhinaca kale, Guddida Heer Qaran ee COVID-19 waxay Bulshada JSL halkan ugu caddaynaysaa in aanay haba yaraatee jirin wax lacag caddaan (cash) ah oo uu Mulkiilaha Shirkadda World Remit ku wareejiyey Guddida heer Qaran ee Covid-19.

2. Deeqda Shirkadda Telesom:
Taariikhdu markay ahayd 10-kii May 2020, Shirkadda Telesom waxay ku yaboohday qalab caafimaad oo kala duwan oo qiimahiisu dhan yahay $640,000 (lix boqol iyo afartan kun oo doollar), qalabkaas oo ay Shirkaddu ballan qaaday inuu dalka si
degdega u imanayo ayaa waxaa la filayaa in todobaadada soo socda uu dalka soo gaadho, haddii Alle idmo.

Shirakadda Telesom waxa kale oo ay bixisay lacag dhan $200,000 (laba boqol oo kun oo doollar) oo ay kaga qayb qaadanayso taakulaynta dadka jilicsan ee uu saamaynta ku
yeeshay xanuunka COVID-19. Lacagta Shirkadda Telesom bixisay waxay si toos ah ugu dhacday Akoonka Guddida Qaadhaan ururinta oo iyagu si rasmi ah ugu xilsaaran inay
qabtaan lacagaha ay ku deeqayaan Ganacsatada iyo Muwaadiniinta Somaliland.

3. Deeqda Shirkadda Dahabshiil:
Shirkadda Dahabshiil Group waxay 17-kii May 2020 ku yaboohday qalab caafimaad oo kala duwan oo qiimahiisu dhan yahay $ 600,000 (lix boqol oo kun oo doollar).

Qalabka ay shirkadda Dahabshiil Group ku yaboohday ayaan weli soo gelin gacanta Guddida COVID-19 waxana la filayaa in qalabkaasi uu dalka soo gaadho sida ugu dhakhsaha badan leh, hadii Alle idmo.

Shirkadda Dahabshiil Group waxa kale oo ay bixisay lacag dhan $200,000 (laba boqol oo kun oo doollar) lacagtaasi oo ay Shirkaddu ugu talogashay in raashin loogu iibiyo afar kun oo qoys, lacagtaasna waxa lagu wareejiyey guddida Qaadhaan ururinta ee ka kooban Ganacsatada iyo Culimada dalka ee uu magacaabay Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna qayb ka noqnaysaa raashinka dhawaan dadka loo qaybin doono.

4. Deeqda Ganacsade Cabdiraxmaan Boore:
Ganacsade Cabdiraxmaan Boore waxa uu Guddida Heer Qaran ee Covid-19 ku wareejiyey lacag dhan $100,000 (boqol kun oo doollar), oo uu ugu talo galay wax ka qabashada arrimaha caafimaadka. Ganacsade Boore waxa kale oo uu lacag dhan $70,000 (toddobaatan kun oo doollar) ku wareejiyey Hay’adda U-diyaargarawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka (NADFOR) oo uu ugu talo galay in raashin loogu iibiyo
qoysaska uu saameeyey xanuunku.

5. Dawladaha, Hay’adaha, Shirkadaha & Ururrada ku deeqay Qalabka Ka hortaga
COVID-19:
 Dawladaha
1. Dawladda Itoobiya,

Page 4 of 5

2. Dawladda Imaaraat-ka Carabta (UAE),
3. Dawladda Shiinaha,
4. Dawladda Turkiga,
5. Dawladda Qadar.
 Hay’adaha
1. WHO,
2. UNICEF,
3. ADRA,
4. CARE International,
5. WORLD VISION,
6. IOM,
7. ARC International,
 Shirkadaha
1. Shirkadda Flay Dubai,
2. Shirkadda Ali Baba,
 Ururrada
1. HARO,
2. HAVAYOKO,
3. ILAYS,
4. Muwaadin Bixiyey 1500 oo Af-saab (facemask)
Shaxda Lacagaha (in cash) iyo Agabka /Qalabka (in kind):
No Cidda Lacag Bixisay Sandduqa Lacagta (Dollar)

 

Page 5 of 5

Gabagabo:
Guud ahaan lacagta ay Xukuumadu u qoondaysay Afarta sanduuq ee lagu maaraynayo hawlaha xanuunka COVID-19 ayey xukuumaddu ugu talo gashay inay ku bixiso lacag
dhan $4.5 (afar milyan iyo badh Dollar), sida ku cad sanaaduuqda sare ku xusan.

Dhinahca kale lacagaha kaashka ah ee ay shirkadaha dalka iyo Ganacsade Cabdiraxmaan Boore ilaa hadda ku wareejiyeen Guddida Heer Qaran ee Covid-19 waxay dhan tahay $500,000 (shan boqol oo kun oo Dollar). $400,000 (afar boqol oo kun oo Dollar) oo kamidah lacagtaas oo ay bixiyeen labada shirkadood ee kala ah Telesom iyo Dahabshiil waxay u qoondeeyeen in dadka dan-yarta ah raashin loogu iibiyo, waxana lacagtaasi gacanta ku haya sidaan horay u soo sheegnay guddida qaadhaan ururinta ee COVID-19, halka $100,000 (boqol kuno oo Dollar) ee soo hadhay lagu biiriyey sanduuqa hawlaha caafimaadka ee ay Guddidu COVID-19 maamusho.

Waxa xusid mudan in Guddida Qaadhaan Ururinta Xanuunka COVID-19, oo ka kooban Ganacsatada iyo Culimadu ay yihiin kuwa u xilsaaran inay ganacsatada reer Somaliland ka soo ururiyaan qaadhaan lacag ah oo loogu talo galay in danyarta raashin loogu iibiyo. Guddida Qaadhaan Ururintuna si dhakhso ah ayay u soo bandhigi doonaan cadadka lacagta ah ee ay ilaa hada soo urursheen, haddii Alle Idmo.

Mahadnaq:
Guddida Heer Qaran ee COVID-19, iyagoo ku hadlaya magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ka Xukuumadda iyo ka Shacabka Jam. Somaliland, waxay si mug leh ugu mahad naqayaan dhammaan cid kasta oo gacan ka gaysatay juhdiga iyo dedaallada loogu jiro ka hor-tagga iyo maaraynta Xanuunka COVID-19.

Guddida Heer Qaran ee COVID-19 waxay si gaar ah ugu mahadnaqayaan mulkiilaha Shirkadda World Remit, Mudane Ismaaciil Ibraahim Axmed, Guddoomiyaha Guud ee
Shirkadda Telesom Mudane Cabdikariim Maxamed-Iid, mulkiilaha Shirkadda Dahabshiil Group, Mudane Maxamed Saciid Ducaale, Mudane Ganacsade Cabdiraxmaan Boore, anagoo dhammaantoodba uga mahad naqayna dareenka
Waddaninimo, ka Ehelnimo iyo ka Naf-qaybsi ee ay u muujiyeen Dadkooda iyo Dalkoodaba, xilligan iyo xaaladan adag ee lagu jiro. Waxaanu idin leenahay ALLAH (sxwt)
ha idinka abaal mariyo, deeqdana halkaa ka sii wada.

Allaa Mahad Leh
Xuseen Aadan Cige (Deyr),
Xog-hayaha Guud ee Fulinta,
Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka hor-tagga COVI-19.