Hargeysa(ANN)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa shaacisay maanta in ay xannaanooyinka dalka gaadhsiinay qalabka caafimaadka oo dhan 7760 Kartoon oo ay ku jiraan qalabka ay xidhanayaan dhakhaatiirta iyo shaqaalaha Caafimaadka ee dawaynaya dadka xannuunsanaya ee uu haleelo cuddurka COVID-19.

Sidoo kale, waxa ku jira Agabka ay Wasaaraddu qaybinay Gafuur-xidhka (Mask), Gamca-gashiga, (gloves) iyo saabuunta lagu faraxasho iyo agab kale oo dhammaantood caafimaadka loo adeegsado, isla markaana la doonayo in xilligan xanuunka Coronavirus loo isticmaalo.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sharaxay sida ay u qorsheeyeen agabkaa, meelaha la gaadhsiinayo, sida ay ugu qorsheeyeen Xannaanooyinka gobolada dalka iyo noocyada uu ka koobban yahay agabku.

Dr. Xergeeye, wuxuu xaadiriyay gobol walba xannaanooyinka ku yaal iyo agabka ay u qorsheeyeen, isagoo sheegay in agabka la qaybiyay ku filanyahay dalka oo dhan,, balse wuxuu ka digay Isu0duwayaasha Caafimaadka ee Gobolada in aannay si caddaalad ah u qaybin.

Halkan Ka Daawo Agaasimaha oo sharaxaya sida ay u qaybiyeen agabkaa.