Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland, ayaa Iimaamyada Masaajidyada ugu baaqday inay demiyaan amma aad u naaqusaan cod-baahiyeyaasha xilliga la tukanayo Salaadda Taajudka.

Sidoo kale, waxay Mu’addimiinta ugu baaqday inay ilaaliyaan wakhtiga eedaanka Salaadaha oo aan midba makra uu doono iska eedaamine ay ku dhaqmaan Jadwalka wasaaraddu hore ugu qaybisay.

Go’aankan wasaaraddu qaadatay iyo baaqan ay culimada Masaajiddada u dirtay, ayaa yimi ka dib markii la gaadhay tobanka dambe ee bisha barakaysan ee Ramadaan oo la tukado salaadda Taajudka ee la ooggo saacadaha dambe ee habeenkii.

Waraasaradu, waxay arrintan ku sababaysay kadib sida ay sheegtay markii salaadda Taajudka oo xalay ka bilaabantay, Masaajiddada cabasho badani dhinaca bulshada ka soo noqotay,, iyadoo sida ay shegeen masaajiddada badankoodu fureen mikirifoonka amma codbaahiyaha qaybta dibedda masjidka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla iyo Agaasimaha waaxda Masaajidda iyo Maddarasadaha ee Wasaaradda Sheekh Maxamed Macallin Aadan oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta wasaaradda ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in culimada looga baahan yahay inaanay khayrka dadka ku dhibin, maaddaama oo ay jiraan dad xanuunsanaya oo guryaha jiifa, dad da’ ah, carruur yaryar, kuwo Cusbitaallada lagu hayo iyo dad mastaafur ah oo ka cawday codbaahiyeyaasha dibedda u furan ee masaajiddada salaadaha aan faralka ahayn ee habeenkii.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta oo la hadlaya Culimada iyo Iimaamyada Masaajiyadda, ayaa idhi, “waxa cabasho naga soo gaadhay bulshada, taas oo ku saabsan laba qodob,. 1-aad maaddaama tobankii dambe ee bisha barakaysan ee Ramadaan la bilaabay xalay taajudkii, waxay bulshadu ka cabanaysaa mikirifoonnada dibedda masaajiddada culimada dallacaya, iyaga oo dad badani illaa maanta noogu yimi wasaaradda, isla markaana ay jiraan dad badan oo xanuunsanaya, dad badan oo dhibaataysan, dad aan xamili Karin, dad mastaafur ah (socoto ah), taasoo Diintu amma islaamku uu reebay in dadka lagu dhibaateeyo khayrka iyo diinta, markaa waxaannu baaq ugu diraynaa culimada in codbaahiyeyaasha amma sacamadaha dibedda ee masaajiddada la bakhtiiyo amma aad loo naaquso oo loo gaabiyo.”

“Markaa waxaan leenahay Culimada, Mu’addimiinta iyo Iimaamyada Masaajiddada, waxaannu leenahay arrintaa ka waantooba, Illaahay ka baqa oo dadka u naxariista ayaannu leenahay. Waa waxyaabihii aynu ka wadahadalnay kawdii Ramadaan markii Culimada, Imaamyada iyo Mu’addimiinta aannu kulanka kula yeelannay halkan Wasaaradda.” Sidaa ayuu yidhi Agaasime Aadan Cabdillaahi.

Waxa uu Agaasimaha guud baaq gaar u diray mu’addimiinta Masaajidda inay ilaaliyaan wakhtiga eedaanka iyo xilliga salaadda la galayo, waxaanu yidhi; “Waxa iyaduna jirta cabasho ka imanaysa wakhtiga salaadda Cishe, waxa la yaab leh in salaadda cishe cabasho badani ka taagan tahay. Waxaannu qaybinnay Jadwal ay ku qeexantay maalin kasta waqtiga eedaanka Salaadaha. Ramadaan awalkeedii 7:26 baa wakhtiga eedaanka cishe ahaa, immikana waa 7:32 ayaa la eedaamayaa oo caawadan ay tahay in la eedaamo.”

“Markaa, waxa la yaab leh in wadaaddadii qaar ay eedaamayaan 7:11 daqiiqo, Islaamkuna salaadda waqtigeeda wuu ilaaliyey, salaadda aan waqtigeedii la tukan idinkaa nooga aqoon badanba oo inay baaddil tahay idinba waad ogtiin, iyadoo loo cararayo taraawiix oo sunne loo ordayo in wakhtigii faralka ahaa ee illaahay innagu waajibiyey waa in la ilaaliyaa. Markaa, waxaan leenahay Illaahay ka baqa oo masuuliyadda idin saaran ilaaliya Culimooy, arrintaa si adag baannu uga hadlaynaa wasaarad ahaan, waxaanan leeyahay bulshada haddii Culimadu qaldanto oo mu’addinka amma iimaamku waqtiga qaldo iska saxa.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo awqaaftu.

Sidoo kale, Agaasimaha Maddaarista iyo Masaajiddada ee Wasaaradda Diinta Sheekh Maxamed Macallin Aadan, ayaa isna halkaa ka hadlay, waxaanu yidhi; “Mikirifoonka codkiisu dibedda u baxayaa dad badan buu ku dhib yahay, salaadda Taajidku waa sir ka dhaxaysa illaahay iyo qofka u tukanaya, xalayna waad ogeydeen in samacadaha la wada dallacay oo dabada loo wada furay. Samacadahaa dibedda runtii halla bakhtiiyo ayaannu leenahay oo kuwa gudaha masjidka hallagu tukado.”

AGAASIMAHA MASAAJIDDA IYO MADDARASADAHA EE WASAARADDA DIINTA IYO AWQAAFTA SHEEKH MAXAMED MACALLIN AADAN

AGAASIMAHA Masaajidda iyo Maddarasadaha Wasaaradda Diinta Somaliland Sheekh Maxamed Macallin Aadan

“Xalay waxa jiray masaajiddo iyagoon salaaddaba gelin, iyagu Qur’aan sii shiday, dad badan oo dhibaaataysan oo aan awoodin baa jira, xataa kuwa caafimaad-qaba ee shaqo tegaya, ayaa dhibsanaya, dad baa xanuunsanaya, qaar baa cusbitaallada ka buuxa. Baaqan iyo baaqa salaadda cishaa’I ee agaasimuhu soo jeediyey, waa waajib in la fuliyo, Culimo ayeynu nahay, hormuud baynu nahay, dadkii lagu dayanayey baynu nahay, Culimooy dadka u naxariista oo yaynaan innagu bulshada qasin, oo aynaan dhayalsan baaqa iyo tilmaamaha wasaaradda. Ma rabno inaynu is-eryanno oo nidhaahno hebel baaa baaqaa fulin waayee halla soo xidho’e, waa inaad waajibka idin saaran fulisaan.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Maxamed Macallin.

WASAARADDA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND

WASAARADDA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND

Wasaaradda Diinta iyo awqaafta oo iyadu leh hagidda Culimada iyo arrimaha Diinta ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa marar kala duwan kulammo la rabo in la isku waafajiyo kala duwanaanshaha waqtiga eedaanka iyo salaadaha sunnaha ah ee dibedda masaajiddadu u farayaan cod-baahiyeyaasha u qabata Culimada, sidoo kalena soo saartay intii Ramadaan lagu jiray baaqyo kala duwan oo Culimada iyo qaybaha Bulshada ku socday, balse waxay Madaxda Wasaaraddu ku celcelinayaan in Culimadu addeecaan amarka wasaaradda oo aanay ka dhego-adaygin baaqyadan loogu naxariisanayo dadka duruufaha gaarka ah leh ee aan qaadi Karin saacadaha dambe ee habeenkii quraanka codka dheer ee dibedda Masaajiddadu u furan Tobanka dambe ee Ramadaan.