Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay inay Wasaaraddu qabanayso tartanka Quraanka Kariimka ah, is loogu diyaar garoobo tartanka Caalamiga ah ee Quraanka Kariimka ah oo marka la gaadho bisha Barakaysan ee Ramadaan sannadkan inagu soo waajahan lagu qabanyo Dalka Djibouti.


Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdullaahi Cabdalla oo maanta Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa, ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan qabanayaan tartanka Quraanka Kariimka ah, wuxuuna tilmaamay in Ardayda ku guulaysata tartanka Quraanka Kariimka ah ee Somaliland ee Wasaaraddu qabanay dhowaan.


“Sannad walba waxa dalka Djibouti lagu qabtaa tartan Caalami ah oo quraanka Kariimka ah, waxaana tartankaa qabta oo maalgeliya Madaxweynaha Dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ka qaybgala dalal baddan oo Muslim ah, kuwaas oo Somliland ka mid tahay wadamada lagu soo marti qaado.” ayuu yidhi, Agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland.


Sheekh Aadan, wuxuu sheegay in Somaliland laga rabo saddex Arday oo ku tartamaya 30 Jiz, 20 Jiz iyo 10 Jiz ee quraanka Kariimka ah, isla markaana ay meteli doonaan Somaliland marka ay ka qaybgalaan tartanka Caalamig ah ee quraanka Kariimka ah


“Ardayda ka qaybgelay tartanka waxay metelayaan Somaliland, markaa waxa looga baahanyahay tartanka is reeb-reebka ah ee Wasaaraddu qabanay, wuxuu sheegay in looga baahanyhay shuruudaha qodobadan:-


In Ardaygu Madarasada uu ku tirsanyhay ka diiwaan-gashan tahay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland.


Inay Madarasadu samaysay diiwaan gelintii sannadkan.


In Mamulaha Madarasada Ardaygu ka socdaa ka diiwaan gashan yahay Wasaaradda, waxayna Madarsad walba soo gudbinaysaa saddex Arday oo u tartama, 30 Jiz, 20 Jiz iyo 10 Jiz ee quraanka Kariimka ah.


Waa in Ardaygu si fiican u xafidsanyahay 30 Jiz, 20 Jiz iyo 10 Jiz ee quraanka Kariimka ah, ima qaybta uu ku tartamayo.


Waa in aan Ardayga da’diisu ka weynaan 25 jir.


Haddii Madarasadu ku doodo in Ardayga ay soo xushay ku tartamayo 30 Jiz, 20 Jiz iyo 10 Jiz ee quraanka Kariimka ah saddexdaa qaybood mid ahaan oo keliya oo aannay keenin saddex Arday way tixgelinaysaa Wasaaraddu mana jirto wax caqabad ah oo kaga imanaya. ayuu yidhi, Agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, wuxuuna tilmaamay in tartanka is reeb-reebku bilaabmayo, 15 March 2020 – 17 March 2020, oo tartanku ka dhici doono xarunta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland.


wuxuu intaa ku daray inay sannadkan u diyaariyeen Wasaarad ahaan guddi adag, kuwaas oo ka garsooraya tartankaa, isla markaana aqoon dheer u leh quraanka kariimka ah.


Dhinaca kale, Agaasimaha Waaxda Masaajidada iyo Madaarista ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Maxamed Macalin Aadan, ayaa sheegay inay waxa hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in guddi aqoon dheer u leh quraanka Kariimka ah loo saaray tartankaa, wuxuuna amaanay Macalimiinta Madaarista ee iska diiwaan geliyay Wasaaradda, isagoo ugu baaqay kuwa aan weli iska diiwaan gelin Wasaaradda inay is diiwaan geliyaan.