Hargeysa(ANN) – Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa shaacisay qiimaha Lambarrada cusub ee xukuumaddu u qorshaysay Gaadiidka kala duwan ee dadweynaha, kuwaas oo la doonayo in lagu bedelo Lanbarradii hore ee gaadiidka, balse doodo baddani ka dhasheen.

SIda lagu sheegay Wareegto uu soo saaray Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi, ayuu ku sheegay Qiimaha Tacriifadda Lambarrada Gaadiidka Dadweynaha laga qaadayo marka ay Gaadiidlaydu iska beddelayaan Lambarradii hore ee loo qorsheeyay in la bedelo.

Wareegtada Wasiirka oo doodo lagu naqdiyayo kaga yimaadeen Bukshada. ayaa u qornayd sidan:-