Araweelo News Network

 

Hargeysa (ANN)- Wasasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay natiijada Imtixaanka Shahaadiga oo Ardaydiii ugu badnayd dhacday sanadkan 2017,

 

Sidaana waxa ku dhawaaqay Wasiirka Waxbarashada Md. Cabdillaahi Ibraahim Habane (Cabdillaahi Dheere) oo saxaafadda la hadlay, waxaannu yidhi; “Ardayda dhacday waxa laga yeelayaa in muddo afar bilood ah ardaydaas wax loo dhigo, waxaanna loo bilaabi doonaa bisha October, waanan soo sheegaynaa dugsiyada waxbarashada ee ay iska diwaangelinayaana waannu u soo sheegi doonaa, waxayna waxbarashada ku jirayaan bilaha October, November, December iyo January, haddii Ilaahay yidhaah toddobaadka u horeeya bisha February 2018, imtixaankii ayaa loogu celinayaa oo laga qaadi doonaa, arrintaasna waxa iska kaashan doona Wasaaradda Waxbarashada iyo waalidiinta dhalay ardaydaas.”

 

Waxaannu intaas raaciyey; “Macallimiin ayaannu u soo xulaynaa ardaydaas wax u dhigta, lacagta macallimiintaas la siinayana waxa iska kaashan doona Wasaaradda Waxbarashada iyo waalidiinta oo mar haddii ujeedadii aannu lahayn aannu gaadhnay oo mobaylkii qishka ahaa la qabtay, waxa aannu haddana mar kale bixinaynaa fursad, waana in fursadaas laga faa’iidaysto.”

 

Dhinaca kale, Taliyaha Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sheegay in arday ka cabanaysay imtixaanka shahaadiga ah ee ay ku dhaceen ay sameeyeen mudaharaad, kaasoo uu xusay in aannu sababin wax dhibaato ah.

 

“Wax dhibaato ah oo weyni may dhicin, waxaanna la yeedhay natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalada 8aad (dugsiyada dhexe) iyo 4aad (dugsiyada sare), markaa arday dhacday ayaa halkaas woxogaa yar oo rabash ah ka samaysay, wax dhib ahna ma dhicin, ciidanka booliskuna way yimaadeen oo si nabadgelyo ah ayey ku dhammaatay, woxogaa dhallinyaro ah oo kuwii dhagaxa tuurayey ahna ciidanka boolisku way qabteen, taasna waa la baadhayaa,” ayuu yidhi Taliyaha Boolisku.

 

Waxaannu intaas ku daray; “Waxa aan halkan uga soo jeedinayaa, maadaama oo ay wasaaraddu jaanis (fursad kale) bixisay, sida uu sheegay Wasiirku (Wasiirka Waxbarashadu) oo qoladaas dhacday la yidhi jaanis kale ayaa la siinayaa inay ammaanka ilaaliyaan oo aan si khaldan looga faa’iidaysan oo ay nabadgelyada ilaaliyaan, taas ayaan u soo jeedinayaa ardayda, maadaama oo ay Wasaaraddu ballanqaaday in wax la barayo, imtixaan dambena in laga qaado loogu ballanqaaday, markaa waa inay amniga ilaaliyaan oo ay ku dhaqmaan waxaas ay wasaaraddu u soo jeedisay, ammaankana ay ilaaliyaan.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Mr. Daa’uud Axmed Faarax (Daa’uud Gadhweyne), ayaa faahfaahin ka bixiyey in ardayda dhacday ay u badan yihiin kuwii maadooyinka laga tirtiray ee lagu qabtay inay imtixaanka qishayeen iyo kuwii telefoonka gacanta ku qishayey imtixaanka, balse, waxa uu sheegay in ardayda aan wax qish ah lagu qaban ee imtixaanka dhacay ay yaryihiin.

“Dugsiyadda dhexe ee imtixaanka u fadhiistay waxay dhammaayeen 16,512 arday, waxaana gudbay 14,474 (afar iyo toban kun afar boqol iyo toddobaadan iyo afar) arday… Dugsiga sare, waxa imtixaanka u fadhiistay 10,098 (toban kun iyo sideed iyo sagaashan) arday, waxa imtixaanka gudbay 7,597 (toddoba kun, shan boqol, sagaashan iyo toddoba arday), waxaanna dhacay amma waayey arday tiradoodu dhan tahay 1,711 arday,” ayuu yidhi Madaxa Xafiiska Imtixaanaadka Qaranku.
Waxa kaloo uu soo bandhigay maadooyinka ardayda ugu badan ku dhaceen amma laga baabi’iyey kadib markii qish lagu qabtay, waxaannu yidhi; “Maadada Carabiga waxa laga baabi’iyey 119 arday, biology-ga waxa laga baabi’iyey 104 arday, chemistry-ga waxa laga tirtiray (canceled) 143 arday, luqadda Ingiriisiga waa 114 arday, warqadda labaad ee Ingiriisiga (English 2) waxa laga baabi’iyey 137 arday, Juquraafiga (Geography) waxa laga baabi’iyey 184 arday, taariikhda (history) waxa laga tirtiray 67 arday, diinta waxa laga baabi’iyey 33 arday, xisaabta imtixaanka koowaad (maths paper 1) 218 arday ayaa laga tirtiray, imtixaanka labaad ee xisaabta (paper 2), waxa laga baabi’iyey 156 arday, maadada Fiisigiska (physics) 345 arday ayaa laga baabi’iyey, luqadda Soomaaliga, waxa laga masaxay 86 arday.”
Tobanka hablood ee ugu sareeya dugsiyada sare ee dawladda
1. Kaltuun Axmed Rooble Mire oo ka tirsan Dugsiga sare ee Qoryaale, Gobolka Togdheer, waxayna keentay 852 dhibcood
2. Umalkhayr Cabdikariin Aadan Cismaan, kana tirsan Dugsiga Sare ee Maxamed Shire Gaab, Gobolka Saaxil
3. Nasriin Axmed Maxamuud Cali, Dugsiga Sare ee Badhan
4. Sundus Cabdiraxmaan Aadan Cabdi, Dugsiga Sare ee Hadaaftimo, Badhan
5. Fihiima Xasan Siciid Cali, Dugsiga Sare ee Al-nuur, Badhan
6. Aasiya Jaamac Maxamed Siciid, Dugsiga Sare ee Hadaaftimo, Badhan
7. Maryan Jaamac Aadan Jaamac, Dugsiga Sare ee Badhan
8. Nuura Mahdi Maxamed Ibraahim, Dugsiga Sare ee Guutaale, gobolka Saraar
9. Asma Maxamed Maxamuud, Dugsiga sare ee Maxamed Shire Gaab, Gobolka Saaxil
10. Saamiya Saleebaan Maxamuud Jaamac, Gobolka Saraar
Tobanka arday ee wiilasha ugu sareeyey dugsiyada sare ee dawladda