Hargeysa(ANN)-Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa si rasmi ah u soo gebo-gabeeyey Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare iyo dhexe ee dalka.

Imtixaanada, ayaa dalka si toos ah uga bilaabmay Sabtidii toddobaadkan, waxaana loo sameeyey gunaanadka imtixaanaadka munaasibad lagu qabtay maanta Xafiiska imtaxaanaadka guud ee Qaranka ee magaalada Hargeysa.

Kulankaas lagu soo gebo-gabeeyey imtixaanaadka Dugsiyada sare iyo dhexe ee Somaliland, waxaa ka hadlay Wasiirka Waxbarashada, Guddoomiyaha Imtixaanaadka, Guddoomiyaha Xafiiska Shaqo-qaran iyo Xubno kale.

Warbixinta lagu soo gunaanaday Imtixaanaadka dalka oo dhamaystiran halkan ka Daawo.

Somaliland: Wasaaradda Waxbarashadda Oo Imtixaanaadka Shahaadiga Ah Ee Dalka soo Gebagabeysay