Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland, Cabdirashiid Ducaale Qanbi iyo Xildhibaan Maxamed Jaamac oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, ayaa si wadajir ah uga hadlay Jabhado laga shaaciyay jiritaankooda oo lagaga dhawaaqay maalmihii u danbeeyay gobollada Bariga, gaar ahaan Buuhoodle, kuwaas oo la sheegay inay ku midaysan yihiin dad kasoo jeeda deegaamada Bariga Sanaag, Sool iyo Buuhoodle.

Wasiir Cabdirashiid Ducaale Qanbi iyo Xildhibaan Maxamed Jaamac oo maanta warbaahinta wadajir ugula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay Jabhadahaa, waxayna si adag uga horyimaadeen Jabhadaha la iclaamiyay oo ay ku tilmaameen inay astaamihii Al-Shabaab leeyihiin, isla markaana beelo ku midaysan amma raali ka ah nabadgelyo-darro in deegaankeeda laga sameeyo aanay jirin, iyagoo ku eedeeyay cidda wadda Jabhadahaa inay tahay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo gacmo kale oo aanay tilmaamin kuwa ay yihiin.

“Ninka yidhi, “Buuhoodle ayaan Jabhad ka samaynayaa”, waa Nin hanweyn, wuxuuna been u sheegay naftiisa, waxay ahayd inuu Afkiisa iyo adinkiisa kala baqo ayay ahayd, waana inay iska celiyaan dadka Buuhoodle, kuwa taageeraya ee tirada yar ee meelahaa joogana waxaan leeyahay waar ka xishooda inaad dadka Buuhoodle isku jebisaan, waxaan leeyahay Jabhad SSC, la yidhaahdo ma samaynayside, waxaad samaynaysaa dukaan.” ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland, Cabdirashiid Ducaale Qanbi.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland, Cabdirashiid Ducaale Qanbi iyo Xildhibaan Maxamed Jaamac oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, 15 Dec 2019, Araweelo News Network.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland, Cabdirashiid Ducaale Qanbi iyo Xildhibaan Maxamed Jaamac oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, 15 Dec 2019, Araweelo News Network.


Wasiir Qanbi, ayaa usoo jeediyay Madaxdhaqameedka deegaanka inay arrinta ka suuliyaan deegaanka oo ka hadlaan, isagoo yidhi, “Garaadada iyo Salaadiinta aamusan waxaan leeyahay, “Buuhoodle xero fidno waa kasoo daashay, waaa inuu raacsanyahay oo doonayo in lays dilo oo Umadda laysku jebinayo, waxa haboon inay iska qabtaan dadka Buuhoodle inamada yar yar ee lagu shaqaysanayo, waana ka qayb qaadanaynaa in laga suuliyo.”

Xildhibaan Maxamed Jaamac oo ka hadlayay arrintaa, ayaa sheegay in aanay jirin cid haysata deegaanka Buuhoodle oo laga xoraynayaa ee ay dadkii deegaanku haystaan, isagoo sheegay in aanay jirin cid ku haysata deegaanka Buuhoodle oo ay dadkiisii joogaan, isla markaana aanay jirin cid duulaan ku ah.


” Laascaanood belaayo kama jirto, Sanaagna dhib kuma ogayn, Sanaag dadka dega kuwa ugu yar weeye dadka deegaankaa kasoo jeedaa, Sool iyo Buuhoodlena waxaynu nahay kuwa ugu badan, markaa meel aanad madaxaaga saari karayn inaad tidhaahdo, Sool, Sanaag iyo Cayn, markaa waxan leenahay Inamadaa meesha aad joogtaan waa Buuhoodle, ee dhib hawsoo jiidina dadka deegaankana, waxaan leeyahay, dhibaatooyin ayaynu kasoo gudubnay, Caruurteenu wax ma barato, hadaa loo bilaabay Jaamacaddaha iyo Iskuulada ee haynaga kala qubina, mana jirto cid duulaan ku ah Buuhoodle, laakiin haday xilligan jabhado muuqaalkii Al-shabaab leh oo qaabkii is-qarxinta la baro oo Cajaladihii Ina Cabdi godane loo shido, waa lagaran karaa meeshay la xidhiidhaan.” ayuu Xildhibaan Maxamed Jaamac.