Gebilay(ANN)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta Xadhiga ka jaray Dhismaha ay yeelan doonto Xarunta Ciidanka Dab-demiska ee Gebilay.


Wasiirka Arrimaha gudaha oo hoggaaminayay wefdi ay ka mid ahaayeen Wasiirada Hawlaha Guud iyo Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha, waxa halkaa kusoo dhoweeyay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Dab-demiska.


Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo Waftiga soo dhaweeyay ayaa ka warbixiyay Marxaladihii uu soo maray dhismaha xadhiga laga jaray, wuxuuna uga mahadceliyay Maamulka Gobolka iyo ka Degmada, gaar ahaan Duqa Degmada Gebiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi, Badhasaabka iyo Xoghayaha Degmada oo kaalin weyn ka geystay Dhismaha Xaruntaa.

Sidoo kale wuxuu Taliyuhu tilmaamay in dhismahani wax ka badan ka tari doono baahida loo Qabo Dab-demis dhamaystiran oo ay yeelato Degmada Gebilay isla markaana uu noqon doono wax weyn oo Qaranku ku faano. Taliyaha ayaa ugu dambayn wasiirka warbixin ka siiyay Hawlgalada ciidanku galay muddadii uu jiray taasoo noqonaysa 3,373 Hawlgal oo isku jiray gurmad Dab, Samatabixin, Badbaadooyin iyo Hawlgalo kale.

Duqa Degmada Gebilay Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo isaguna halkaa ka hadlay Mashruucan iyo kaalintay ka geysteen, isagoo sheegay in Dhismaha Xarunta , Gunnada Xubnaha Ciidanka,Iidaanka iyo Shidaalka Gaadiidka Dawlada Hoose Gebilay kaalin muuqata ka qaataan. Iyadoo dhanka kale ciidanka uga mahadnaqay shaqada culus ee ay Gobolka u hayaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa ugu horayn u mahadnaqay Ciidanka iyo Maamulka Gobolka isagoo xusay in Dhamaan Qalabka iyo Horumarinta Ciidamada Dab-demiska ee Gobolada iyo Degmooyinka Xukuumada aanay cid kale ka caawin ee laga sameeyay Miisaaniyada Qaranka. Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay in Ciidanka Dab-demisku sameeyeen hawlgalo layaab leh oo ay ku jiraan in Ciidanku Ilmo yar iyo Laba Bissadood ka soo saareen Musqul.

Wasiir Maxamed Kaahin, ayaa sheegay in Qorshayaasha iyo Hiigsiga Ciidanka Dab-demiska kaalin weyn ka geysan doonaan, iyadoo ciidanku kaalin muhiima kaga jiro guud ahaan Qaranka Somaliland.


Gabagabedadii waxaa wasiirka, Taliyaha Ciidanka iyo Maamulka Degmadu xadhiga ka jareen xarunta Ciidanka Dab-demiska ee Gebilay, taasoo si rasmiya u noqon doonto xarunta ay ku hawlgeli doonaan Ciidankaasi.