Hargeysa(ANN)-Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed, ayaa ka hadlay sababihii ay xukuumaddu dulqaadka baddan uga muujisay dilkii iyo dhacii uu geystay markii uu ka baxsaday ciidanka qaranka ee uu ka tirsanaa Kornayl Siciid Cawil Caarre, dhawr bilood ka hor deeganka Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag. kadibna dhinaca Puntland kasoo jeestay.

 

Wasiir Boos, wuxuu sheegay in Xukuumadda Somaliland, iyadoo dhinacyo baddan wax ka eegaysa aanay wax tallaabo ah ka qaadin markii  Kornayl Siciid Cawil Caarre oo ka goostay ciidanka xiligaa, isagoo wata hal gaadhi, isla markaana uu ku kacay in uu dhaco Mushaharkii Ciidanka uu ka tirsanaa iyo laba gaadhi, sidoo kale markii uu dhacaa geystay uu ku dilay deegaanka Ceeryaan oo gobolka Sanaag xaruntiisa Ceergaabo kaga beegan dhinaca Koonfur qiyaastii 80Km Marxuum Jaamac Guuleed Maxamed Ismaaciil oo ahaa muwaadin ganacsade ah oo u dhashay deegaankaa,

Mr. Boos wuxuu sheegay in xukuumaddu tallaabo cad ka qaadi karaysay markii uu ku kacay falalka dilka iyo dhaca ah, balse waxyaabo baddan iyo xaaladdii markaa taagnayd la xeerinayay, isagoo sheegay in dadkii uu kasoo jeeday marxuumka la dilay xukuumaddu ku caddaadisay in ay ka war sugaan oo aanay wax tallaabo ah qaadin, iyadoo sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin ku qanciyay sidaa si aan xaalada nabadeed ee deegaanka laga waday aanay saamayn ugu yeelan arrintu, sidaana ay ku dulqaateen, iyagoo dhawraya jiritaanka iyo nabadgelyada qaranka, waana uga mahad celinayaa dadka deegaanka Ceeryaan oo dhibtu gaadhay, wuxuuna Wasiir Boos xusay in falkaa dilka uu dhacay intii aan laba wiil oo Wallaao ah oo ay qoys kasoo wada jeedaan marxuumkaa hore lagu dilin Ceeryaan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in uu jidgooyo u galay Madaxdahqameedkii doonayay in ay dadku is dhexgalaan markii go’aamada nabada lasoo saaray, isagoo Kornayl Caarre deeganka Bohol ka hor istaagay in ay ergooyinkii wada socday booqdaan oo ay tagaan casuumad halkaa diyaar ugu ahayd.

Wasiir Boos Mire, wuxuu sheegay in Caarre oo Caaqilkiisiina la socdo ku kacay falalkaa , ragga xiligan siyaasada ka dhiganayaa ee meelahaa ka leh maxaa arrintiisa loogu dariwaayay heshiiskii Beelaha aanay fahamsanayn wax baddan oo aanay xog ogaal ahayn in aanay arrintiisu khusayn dadka walaalaha ah ee isku dhacay ee uu ahaa Sarkaal ka baxsaday Ciidankii uu ka tirsanaa oo dhacaa iyo dilkaa fuliyay, wuxuuna sheegay in Xukuumadda Somaliland oo waxaas oo dhan sababihii jiray awgood ugu dulqaadatay ay diyaar u tahay Haddii uu nabad doonayo Caarre, in ay la hadasho, haddii uu dagaal soo qaadana uu jawaabtiisa heli doono.