Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa go’aan ka soo saaray waqtiga eedaanka afurka ee salaadda Maqrib, kadib khaladaad ay sameeyeen qaar ka mid ah mu’adimiinta Masaajidada caasimadda Hargeysa.
Sheekh Khaliil waxa uu digniin la xidhiidha eedaanka u diray Mu’adimiinta ka eedaanta Masaajidada oo uu xasuusiyey culayska masuuliyadda ay hayaan iyo khatarta ka dhalan karta haddii ay sideeda u gudanwaayaan.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo ka hadlayey magaalada Hargeysa , waxa uu ku dhawaaqay in eedaanka la aqoonsanyahay ee lagu afurayaa yahay eedaanka ka baxa idaaradda Qur’aanka ee Radio Hargeysa.
“In badan baanu ka hadalnay oo culimo badan waanu isugu yeedhnay, laakiin dhibaato ayaa iska jirta oo dadkeennii waxa lagu salliday wax la yidhaa sahashi, ma garanayaan masuuliyadda mu’adiniinta Masaajidadu xambaarsan yihiin, Nebigu (NNKHA) wuxuu yidhi ‘Imaamku damiin buu ka yahay dadka kale oo salaaddii isagaa gaadh ka haya, Mu’adinkuna waa ninka keliya ee la aaminay,’ waayo haddii uu eedaamo xilli aannu joogin afurkii wax alla wixii soommanaa wuu ka jabay soonkii, dambigeedana isagaa qaadaya, markaa ninka ugu dhibta badani waa mu’adinka ee maxay inna yeelaysaa laba ama saddex daqiiqo oo aynu iska hubinno. Laba habeen oo dhawayd oo roob inna hayey si cad ayey gef ugu dhaceen mu’adiniintu, idaacadda may dhegaysan, taladii Wasaaradda Diinta may qaadan ee waxay sameeyeen xilli saacaddu marayso 6:16 ama 18 daqiiqo ayey eedaankii ku dhufteen, iyadoo la eedaami lahaa 6:21 ilaa 22,” ayuu yidhi Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Waxaannu faraynaa dadweynaha iyaga ayaa diintooda la ilaalinayaaye ku afura eedaanka Idaacadda Qur’aanka Kariimka ee Radio Hargeysa, iyadaa dalka wada gaadhaysa ee afurka iyo suxuurtaba raaca eedaanka Idaacadda Qur’aanka, eedaanka suxuurtuna wuu khalkhaliyey ummaddii, waayo labada eedaan ee suxuurta waxa u dhexeeya 40 daqiiqo, eedaanka hore waa caadi ah, laakiin eedaanka dambe ee salaadda lagu tukanayo waxa ku jira ‘Al Salaatu khayru mina noom.”
Waxa kaloo uu farriin u diray culimada ka eedaanta masaajidada, waxaannu yidhi, “Mu’adimiinta waxaan fari lahaa Ilaahiina ka cabsada oo shaqada aad haysaan mid qaali ah oo aad wax wayn ku helaysaan, waa shaqo Ilaahay maalinta Qiyaamaha uu luqun (qoor) dadka ka dheer oo qurux badan uu idiin samaynayo, bal ka warran qofkii sidaa loo wanaajiyey inuu ku ciyaaro shaqadiisii, haddaba, mu’adinow Ilaahay ammaanadiisa iska ilaali, haddii aanad gudan karayna iska dhawr oo dadka gudan karaya iskaga dhiib.”