Hargeysa(ANN)-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Abdillaahi Axmed, ayaa sheegay in wixii ka danbeeya 12 May 2020, la joojiyay in masaajidada lagu tukado salaadaha Jammaca ah ee Taajudka iyo Taraawiixda.

Sh. Khaliil o ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somalialnd, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu maanta gelinkii dambe oo ahayd Isniin 11-ka May 2020, shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ee magaalada Hargeysa.

Wasiir Khliil, wuxuu amray in la joojiyo sallaaddaha Taraawiixda ah ee Masaajiddada lagu tukado laga bilaabo 12-ka May iyo Salaadda Taajudka ee tobanka dambe ee bisha ramadaan la tukado, si loo yareeyo faafitaanka Sadhada xannnuunka Covid-19.

Sidoo kale, wuxuu amray inaan la samayn karin Citikaafka masaajiddada lagu itikaafi jiray, tobanka bisha Ramadaan ugu dambeeya, si looga hor-taggo loona yareeyo faafitaanka sadhada Covid-19 ee dunida saameeyey oo ku sii badanaya Somaliland, isla markaana maraya 43 Qof dadka laga helay ee ay dowladdu sheegtay, kuwaas oo shan ka mid ahi dhimasho yihiin.

Wasiirku, wuxuu kale oo amray in Culmida Iimaamyadu u sheegaan in salaadaha faralka ee Jammaca ah ee Masaajidada la kala fogaado, isla markaana ay xidhtaan dadku Gafuur-xidhka iyo gamaca-gashiga si loo yareeyo faafitaanka, isagoo xusay in wixii intaa ka danbeeya Wasaaraddu go’aan soo kasoo saari doonto xaaladda faafitaanka xannuunka si loo badbaadiyo dadka.

Halkan Ka Daawo Wasiir Khaliil oo ka hadlaya Arrimaha iyo awaamiirta kasoo baxay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Wasaaradda Diinta iyo awqaafta, iyo guddiga ka hor-tagga Xanuunka ee heer Qaran ee Somaliland, ayaa hore u soo saaray go’aanno ay ku soo jeediyeen in la yareeyo salaadaha jama’a ah ee lagu tukado masaajiddada, taas oo aanay hirgelin ulimada masaajiddadu.

Hase-yeeshee, Musheekhda magaalada Berbera iyo Maamulka gobolka Saaxil, ayaa Axaddii isla qaatay in la joojiyo salaadda taraawiixda ah ee Masaajiddada lagu tukado, sidoo kale magaalada Boorama qaar ka mid ah Imaamyada Masaajiddada, ayaa maalmo ka hor joojiyey jama’a taraawiixda bisha ramadaan.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa geestiisa, tiraba laba jeer si adag ula hadlay Culimada Dalka, oo uu u soo jeediyey inay Dadkooda u naxariistaan, isla markaana ay Culimadu is-weydiiyaan haddii dadku xanuunka u madho Cidda ay tukin doonaan.

Haye-yeeshee, weli qaar ka mid ah ulimada, ayaa ku adkaysanaya inay sii wadaan salaadaha jama’a ah iyo taraawiixda, xilli dunida islaamka iyo waddamada kale ee Muslimiintu ku nool yihiin wada xidheen masaajiddada si loo yareeyo sadhada xannuunka COVID-19, inkasta oo ay Culimo maanta Hargeysa Warbaahinta kula hadlay soo jeediyeen in la joojiyo Salaadaha Jamaca ah, gaar ahaan Salaadaha sunnaha ah ee Taraawiixda, Taajudka iyo Citikaafka tobanka dambe ee Ramadaan Masaajiddada loo gaaryeeli jiray.