Waxa ay Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu ugu Baaqaysaa Culimada in aannay ku deg-degin in ay Bulshada la wadaagaan Warar aan la hubin…”

Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadlay qaabka loo fahmay qodob ay soo saartay Guddida ka hor-tagga heer Qaran ee Cudurka Covid-19, kaas oo la xidhiidhay in Bulshada ay u bannaan tahay in aannay isugu iman Salaaddaha Jamaca iyo Jamaceeda ah ee Masaajiddada, taas beddelkeedana ay guryohooda ku tukadaan.

Qodobkaas oo sida Wasaaraddu sheegtay ay Bulshada qaybo ka mid ahi si khaldan u turjumeen, isla markaana u arkeen in la yidhi, “Masaajiddada halla wada xidho”
Hase yeeshee Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, ayaa sheegay in khaladkaa la fahmay ay sixitaan ku sameeyeen, waxaanu sheegay in aannay Dowladdu amrin in Masaajiddada la xidho, balse iyadoo Danta Shacabkeeda ka duulaysa, si aannu ugu faafin Cudurka Dunida aafeeyey ee Corona-virus (Covid-19), ay Guddidu soo jeediyeen in aan la isugu iman Salaaddaha Jamaca ah, taas bedelkeedana ay Dadka u bannaan tahay inay Guryohooda ku tukadaan, si ay uga baaqsadaan qaadista iyo faafinta xannuunka.

War-saxaafadeed Qoraal ah oo uu ku saxeexnaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, waxa Warbaahinta uga akhriyey galabta Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdullaahi Cabdalla, wuxuuna u dhignaa sidan:-

Qoraal saxaafadeedka oo ku taariikhaysan 15 April, 2020, ayaa lagu yidhi, iyadoo laga duulayo, xaaladda caafimaad iyo faafidda fayriska COVID-19, iyo sida uu u saameeyay guud ahaan caalamka, ayaa guddida heer Qaran ee u diyaargarowga iyo ka hor-tagga xanuunka COVID-19, waxa ay soo saareen go’aammo iyo amarro khuseeya arrintan.

Qodobada go’aamadaasi oo soo baxay 13 April, 2020, waxaa ka mid ahaa qodobka koowaad oo dhignaa ; “ ‘Guddidu markay deristay qodobka 6-aad ee talo soo jeedinta ah ee culimadu ay soo saareen 4-tii Appril, kuna aaddanaa ka hortagga cudurka COVID-19, kaas ou u dhigan sidan:- ‘’ In shareecadeenna suubban ay u bannaysay umadda in jimcaha iyo jamaacada laga maqnaan karo, haddii la helo lana xaqiijiyo daruuro adag sida; xannuunada faafa IWM, Iyo baaqyada bahda caafimaadka Somaliland ee ku aaddan xannuunka COVID-19, Waxa ay guddidu bulshada Somaliland faraysaa in muddo 4-todobaad ah ay masaajidada ka maqnaadaan, taas oo ka billaabmaysa 15 April 2020, ayna ku tukadaan guryahooda si looga baaqsado faafidda cuddurka, waxaa mu’addiniinta masaajiddada la farayaa in ay eedaanka salaadda ku daraan guryihiina ku tukada(Salluu fii rixaalikum).’

Go’aankaasi ka dib, waxaa soo baxaya warar iyo dareen kala duwan oo ku aaddan fahanka qodobkaasi. Waxaa jira culimo ka dareen celiyay arrintaas.

Haddaba, Waxa aannu rabnaa in aan dadweynaha reer Somaliland la wadaago qodobbadan soo socda:-

1- In go’aankaasi ahaa mid ka soo baxay guddida heer Qaran ee ka hor- tagga COVID-19, Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftuna guddidaa ay xubin ka tahay.

2- In qodobkaasi 1-aad ee guddidu soo saartay, marnaba aan lagu xusin masaajiddada ha la xidho, laakiin dad weynaha lagu wargeliyay in ay guryahooda ku tukadaan, si looga badbaado faafidda cuddurkaas, Diinteenna suubbanna ay bannaysay sida ay Culimadu ku taliyeen.

3- Waxa ay Wasaaraddu aamminsantahay sida Dhakhaatiirtuba caddeeyeen, in ay halis caafimaad tahay isu-imaanshiyaha bulsho ee ay Masaajiddada isugu imanayaan, maaddaama la caddeeyey in xannuunkani ka hortag mooyee aanu lahayn ka daba tag, si xawli ahna u faafayo. Waxa aynu ognahay siduu uu u dhibaateeyey una aafeeyey xannuunkani dalalkii dadkoodu ka baaqsadeen in ay maqlaan talooyinka caafimaad ee la siiyey.

4- Waxa ay Wasaaraddu ugu baaqaysaa Culimada in aannay ku deg-degin in ay bulshada la wadaagaan warar aan la hubin.

5- Wasaaraddu, waxay u mahad-celinaysaa guud ahaan Culimada dalka, sida ay mar kasta ula garab taaganyihiin wacyigelinta xannuunkan. Allaa mahad leh.” ayaa lagu yidhi, qoraal saxaafadeedka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland.