Burco(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horrumarinta Jidadka Cabdullaahi Abokor Cismaan, ayaa xadhiga ka jaray xarunta Ilaalinta bad-qabka Gaadiidka ee magaalada Burco oo ay ku midoobeen laba shirkadood oo Waddani ah.

 

Daah-furka munaasibada oo ay ka qaybgaleen  Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Saraakiil ka tirsan Wasaaraddaasi, Masuuliyiinta Dawladda ee heer gobol iyo Degmo, Ganacsato, waxgarad iyo marti-sharaf ka socday qaybaha bulshada, ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Baashe Dhoore oo ku hadlayey afka Shirkaddaha aasaasay xaruntan oo ka waramay marxaladihii ay soo martay howsha aasaasku. “guddida qandaraasyadu waxa ay qabatay tartan, lixda gobol oo dhan ah. gobolka Togdheer waxa loo qabtay tartankaasi todoba shirkadood. waxa ku guulaystay annagoo midownay Alnafaara iyo Dhoore Group.

Gaadhiga Mishiinkan la saaraa wuxuu noqonayaa mid bad qaba oo ka gudba amma mid ciladi ku soo baxdo. gaadhiga gaarka loo leeyahay ee ka gudba waxa la siinayaa shahaado sanad ah oo badqab ah. gaadiidka Ganacsiga amma Rakaabka qaada waxa la siinayaa iyaga lixdii biloodba mar.”ayuu yidhi Baashe Dhoore oo intaasi ku daray “arrintani waxa ay faa’ido weyn u tahay in la helo gaadiid caafimaad qaba”.

Badhasaabka gobolka Togdheer, Maayirka Magaalada Burco, Maareeye ku-xigeenka Hay’adda horumarinta Waddooyinka, xildhibaano, cuqaal iyo waxgarad ka hadlay halkaasi, ayaa soo dhaweeyey xaruntan oo ay sheegeen in baahi weyn uu gobolku u qabay, loona baahan yahay in uu noqdo mashruuc midho-dhal sameeya.

Masuuliyiinta intaasi ku daray in Wasaaradda Gaadiidku ku dhiiratay suurtogelinta xarumo lagu hubiyo badqabka Baabuurta noocyadeeda, waxaanay talaabadaasi amaan ugu jeediyeen Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdullaahi Abokor oo intii uu Wasaaradda hogaaminayey mashruucaasi la yagleelay.

Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Deegaanka Burco iyo Hargeysa oo munaasibada ka hadlay ayaa iyaguna dhinacooda ku tilmaamay mashruuc faa’idooyinkiisa laga arki doono nabad-gelyada waddooyinka iyo in ay yaraadaan shilalka gaadiidku.

Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Togdheer oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ay Ciidamada amaanku ka qaybqaadan doonaan sidii gaadiidka kala duwan gobolka ka shaqeeya loo hubin lahaa caafimaadkooda.

Xubno ku hadlay afka dadweynaha, ayaa sheegay in uu yahay barmaamuj ka turjumaya horumar muuqda oo ay hormuud u tahay wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadku.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdullaahi Abokor Cismaan oo gebagebadii xafladaasi hadal ka jeediyey ayaa bogaadiyey shirkaddaha waddaniga ah ee ka qayb-qaatay hir-gelinta adeegga ilaalinta badqabka Gaadiidka, kuwaasoo ay kamid yihiin labada shirkadood ee gobolka Togdheer ka aasaasay xaruntani.

“Nidaamkan aynu maanta daah-furayno oo ah badqabka Gaadiidka Somaliland, muddo badan ayuu soo qaatay oo soo socday, waxaan marka u horaysa u mahad-celinayaa dadka reer Somaliland ee lixda gobol-ba ka qaybgalay in  mashruucani fulo”ayuu yidhi Wasiirka oo intaasi ku daray “mashruucani marxalado badan ayuu soo maray Guddida qandaraasyada, ayaa naadisay cidii ka qaybgeli karta ee gobol walba”.

Xaruntan badqabka Baabuurta ee gobolka Togdheer, ayaa waxa lagu rakibay mishiino ka kooban ilaa shan nooc oo lagu soo saarayo ciladaha kala duwan ee Baabuurta, gaar ahaan Biraha, Mishiinnada iyo wixii la mida, sida ay halkaasi ka sheegeen masuuliyiinta u hadlay Shirkaddaha aasaasay.