Hargeysa (ANN)- Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdullaahi Abokor Cismaan, ayaa kormeer ku tegay goobaha ay ka socoto dhismaha waddada Berbera Corridor ee loogu talogalay inay isku xidho magaalada dekedda ah ee Berbera iyo magaalada Wajaale ee ku taal xadka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiir Cabdullaahi Abokor Cismaan iyo saraakiil ka tirsan shirkaddaha  gacanta ku haya dhismaha Berbera Corridor ee Nael & Bin Harmal Hydroexpor Establishment  (NBHH) iyo Shirikada la taliyayaasha Conser  Consultant oo saxaafadda la hadlay, ayaa caddeeyey in qiyaastii 10km oo jidkaas ah la dhammaystiri doono bisha January ee sannadka 2020, haddii Ilaahay yidhaahdo, sidoo kale guud ahaanba waddada la dhammayn doono bisha May ee sannadka 2021 haddii Ilaahay yidhaahdo.

Hawsha Waddada Berbera iyo Wajaale oo socota

Eng. Cabdikariin Cumar oo ah Injineerka guud ee Wakaalada Horumarinta Waddooyinka Somaliland oo halkaas ka hadlay, ayaa ka xog-waramay halka uu marayo dhismaha waddada Berbera Corridor, waxaannu yidhi; “Inta u dhexaysa Dacar-budhuq iyo Hargeysa waxa ka socota shaqadii weynayd ee mashruuca Berbera Corridor, shaqaduna imminka meel fiican ayey maraysaa oo ilaa bisha dambe badhatamaheedana  (January 2020) Insha Allaah la dhammeeyo ilaa 20km ayaannu rajaynaynaa, waxa kaloo socda mashruucii dhismaha biriijyada cusub, waxaanna hadda si xawli ah u socda dhismaha biriijka Dacar-budhuq oo inta kalena way ku xigi doonaan.”

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Mr. Maxamed Yaxya oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadda la taliyayaasha Conser Consultant “Haddii Ilaahay yidhaahdo, waxa uu mashruucani noqon doonaa mid ka mid ah mashaariicda ugu fiican Mandaqada Geeska Afrika.”

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdullaahi Abokor Cismaan oo kormeeray dhismaha waddada Berbera Corridor
Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdullaahi Abokor Cismaan oo kormeeray dhismaha waddada Berbera Corridor

Eng. Tayasiir oo ka socda Shirkadda dhisaysa wadada ee Nael & Bin Harmal Hydroexpor Establishment  (NBHH)  Oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in mashruucan dhismaha Berbera Corridor ay u dhammaystiri doonaan sida ugu tayada iyo quruxda badan, waxaannu yidhi; “Waxa aannu jecelnahay in aannu u mahadnaqno Wasiirka iyo injineeradiisa khibradda sare leh, waxayna mar walba naga caawiyaan dhinacyada xallinta wax kasta oo caqabad ah oo na soo food saara, iyadoo aannu mashruucan ka qaadanay Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi (Abu Dhabi Fund), waxaanan iskaashi kala leenahay Dowladda Somaliland, Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka. Waxa aannu mashruucan wadnay ilaa saddexdii bilood ee u dambeeyey, waxaanna hadda noo qorshaysan in aannu dhammaystirno ilaa 10 km marka la gaadho bisha January 2020 Insha Allaah, kadibna aannu bilawno 10 km ee ku sii xiga, iyadoo aannu doonayno in kolba qaybta aannu dhammaystirno soo bandhigno, waxaanan u shaqaynaynaa sida ugu fiican ee ugu tayada badan, iyadoo aanan awoodayada waxba iskala hadhi doonin Insha Allaah oo aannu waddadan u dhisno hab casri ah oo wadata dhamaanba astaamaha lagu yaqaan waddooyinka casriga ah.

Waxa nala shaqaynaya ilaa lix qandaraaslayaal reer Somaliland ah (six Somaliland contractors), waxaana laga shaqaynayaa dhinacyo kala duwan, dhinac walba horumar ayaa laga gaadhay, waxaanan doonaynaa in aannu xawaaraha dhismaha sii kordhinno, kadibna aannu bilawno qaybta labaad oo ah Dacar-budhuq ilaa Berbera, haddana aannu ku sii xigsiino dhismaha oo aannu ka soo bilawno Kala-baydh ilaa la gaadhayo Wajaale.”

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdullaahi Abokor Cismaan oo isna halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey shirkaddaha kala duwan ee gacanta ku haya dhismaha waddada Berbera Corridor, waxaannu yidhi; “Waxa aannu halkan u nimid in aannu yara kormeerno, xogna aannu ka helno injineerada dhisaya waddada la yidhaahdo Berbera Corridor ee Berbera, Hargeysa ilaa Wajaale, runtiina waa mashruuc ballaadhan, markaa waxa aannu jecelnahay in aannu halkan uga bayaaminno ummadda reer Somaliland in aannu rajaynayno in mashruucaasi uu sidii qorshuhu ahaa dhammaado marka la gaadho bisha May ee sannadka 2021-ka (Insha Allaah), shaqaduna imminka way socotay muddo lix bilood ah.”

Waxaannu intaas ku daray; “Maadaama ay waddadu tahay waddo irmaan (oo la isticmaalo) waxa jiraya laba waddo oo waxa khasab ah in la dhiso waddadii la mari lahaa inta uu socdo dhismaha waddada Berbera Corridor, markaa imminka afartii bilood ee ugu dambeeyey waxa la dhisayey jidkaas la sii isticmaali doono oo ilaa Berbera waa la dhammaystiray, iyadoo sida ay injineeradu noo sheegeen la rajaynayo in tobanka killomitir ee ugu horeeya Berbera Corridor la dhammaystiro bisha January ee sannadka 2020 (Insha Allaah), waxaanna la raacinayaa waa heerarka caalamiga ah ee waddooyinka loo dhiso oo waa dhismihii waddada, calaamadihii waddooyinka (road signs), bad-qabkii waddada (road safety), sababtoo ah Dowladda Somaliland waxay qaadatay in waddo kasta oo la dhisayo in la raaciyo dhinacii bad-qabkana, si ay inooga yaraadaan shilalka gaadiidku, biriijkii kalena wuu garab socdaa oo anaga waxa halkan ka jooga lix injineer oo ka tirsan Wasaaradda, waxayna inta badan qabtaan shaqo ah inay kolba hubiyaan heerka tayada la dhisayo.”

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, ayaa sidoo kale sheegay in aanay dowlad ahaan ogolaanayn in la dhiso wax tayo ahaan ka sokeeya heerarka waddooyinka ee caalamka, isagoo sidoo kale xusay inay Wasaarad ahaan samayn doonaan hababka loo cabbiro culayska gaadiidka iyo xammuulka ay sidaan, si aannu waddooyinka iyo biriijyada ugu dhici culays ka weyn heerkooda.

 “Runtii, Dowladda Somaliland xaga tayada (quality) ka samayn mayso wax tanaasul (compromise), markaa kolayba shaqadu waa bilaw ee waxa aan jecelahay Insha Allaah oo aynu Ilaahay ka rajaynaynaa in aynu arki doono waddadaas oo dhisanta, innagana waxa uu xil innaga saaran yahay in aynu dayactirno, waxaanna qorshaha Wasaaradda ee sannadka 2020-ka ka mid ah in la sameeyo heerka cabbirka culayska biriijyada (weight bridges) oo aannu miisaan badan oo ka saayid ahi aanay waddada innagaga dhicin, markaa waxa muhiim ah in aynu ilaashanno waxa aynu haysanno,” ayuu yidhi Wasiirku.

Waxa kaloo uu ka hadlay

“Waddadii hore balladhkeedu waxa uu ahaa 7mitir, imminka waxa aynu doonaynaa in la dhiso waddo balladhkeedu dhan yahay 11.3 mitir, iyadoo inta loogu talogalay in gaadiidku maro (carriage) uu yahay 8 mitir, halka ay 3.3 mitir ee kale noqon doonaa garbihii waddada oo si casri ah iyagana loo dhisayo, marka sidaas heerka caalami ah loo dhisana waxa noqon doontaa waddo hoos u dhigta shilalka gaadiidkii isku dhacayey, calaamadahana waynu arki doonaa Insha Allaah bisha koowaad (January 2020), haddii uu Ilaahay innagu simmo.”