Boorama(ANN) Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) oo maalmihii u danbeeyay socodaal shaqo ku marayay deegaanada Xeebta galbeedka Somaliland ayaa soo kormeeray fadhiisimada ciidamada ee Aagaga Xeebta iyo gobolka Awdal.


Wasiirka iyo wefdiga la socday ayaa soo maray Fadhiisinka Ciidanka ee Geerisa,Madax-dadlay, Xariirad, Hubkadhigista, Guutada 19aad iyo Taliska aagga galbeed ee deegaanka Goroyo cawl.

Safarka wasiirka oo ay ku weheliyeen Hoggaanka hawlgalinta ciidanka qaranka JSL Gaashaanle sare Axmed Hurre Haariye, Taliyaha Saldhiga koowaad ee ciidanka qaranka Gaashaanle sare Yuusuf Iimaan Diiriye iyo madax ka socota wasaaradda gaashaandhiga, ayaa maray deegaanka Geerisa oo ay halkaasi salaan sharaf kaga qaateen cutub ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland gaar ahaan Saldhiga koowaad.


Waxayna usii gudbeen kormeer ay ku tageen qaybaha ay ka koobantahay Xerada Geerisa. Iyaga oo uga sii gudbay deegaanka Madax-dadlay oo ay dagan yihiin Taliska ka mid ah Saldhiga Koowaad ee ciidanka Qaranka JSL, gaar ahaan ururka koowaad waxaana wasiirka iyo waftigiisi si isku mid ah ay ugu mahad celiyeen dhamaan ciidanka qaranka JSL, gaar ahaan ciidanka xerada Madax dadlay,

Waxaa ka mid ahaa hadaladii kala duwanaa ee ay masuuliyiintu halkaasi ka jeediyeen, Taliyaha Saldhiga Koowaad ee Ciidanka Qaranka JSL Gaashaanle Sare Yuusuf Iiman Diiriye ayaa sheegay in ay maanta ku farax san yihiin kormeerka uu ku yimid wasiirka Gaashaandhigu sidii uu xog-ogaal ugu noqon lahaa, xaalada ciidanka qaranka JSL ee ku sugan deegaanada kala duwan ee Somaliland waxaanu xusay in ka Taliye Saldhig ahaan ay tahay markii ugu horaysay ee wasiir ka tirsan wasaarada gaashaandhiga JSL uu soo booqdo deegaanka Xeebta ee ay ku sugan yihiin ciidanka qaranku.

Geestiisa waxa halkaasi ka hadlay oo hadalo kala duwan u jeediyey goobaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin ciidanka Qaranka JSL Taliyaha hawlgalinta ciidanka qaranka JSL Gaashaanle Sare Axmed Hurre Haariye, oo uga mahad celiyey ciidanka xaaladaha kala duwan ee ay ku shaqaynayaan waxaanu sheegay in uu aad ugu mahad naqayo salaana uga sido taliyaha ciidanka qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaciil Taani sida hagar la’aanta ah ee ay ciidanka qaranku uga shaqaynayaan qarankooda.

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JSL, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), oo sheegay in u jeedada safarku uu yahay xog-ogaal u noqoshada iyo isku xidhka wasaaradda gaashaandhiga iyo ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku sugan yihiin.


Wasiirku, wuxuu si weyn ugu mahad celiyey ciidanka hadh iyo habeen u taagan sugida amniga iyo sidii ay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uga difaaci lahayeen wax kasta oo khatar ku ah, Safarka wasiirka oo qaatay mudo saddex cisho ah ayaa ahaa mid uu wasiirka wasaaradda gaashaandhigu kusoo maray dhamaan fadhiisimada ciidanka qaranka ee deegaanada Xeebta iyo Galbeedka Somaliland.