Hargeysa(ANN)-Wasiirka Maaliyadda Dawladda Federaalka ee Ethiopia Axmed Shire, ayaa booqasho aan hore loo shaacin oo lama filaan ah ku yimi magaalada Hargeysa.

Wefdiga uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Axmed Shire, ayaa kasoo degay garoonka diyaaraddaha ee Egal International ee Magaalada Hargeysa, waxaana loo gudbiyay qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Lama ogga ujeedada booqashada kediska ah ee wefdiga Ethiopia, isla markaana xukuumadda Somaliland ayaan wax war ah kasoo saarin socdaalka xilligan ee wefdiga ka socda xukuumadda Federaalka ah ee Ethiopia.

Balse wararka la xidhiidha booqashada wefdiga uu hoggaaminayo Axmed Shire oo ka sokow xilka culus ee uu ka hayo xukuumadda ra’iisal wasaare Abiy Axmed lagu tiriyo xubnaha ugu dhow dhow, ayaa la filayaa inuu kulamo hoose la yeesho Madaxweynaha Somaliland, iyadoo wararka tibbaaxaha soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, sheegayaan in wefdiga Ethiopia fariin muhiim ah ka sido ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed.

Dhinaca kale, maaha markii u horaysay ee wefdi ka socda daawladda Federaalka ee Ethiopia yimaadaan Somaliland, waxaana xusid muddan in Somaliland oo xad dheer la wadaagta dawladda Federaalka ah ee Ethiopia uu ka dhexeeyo xidhiidh ganacsi oo saaxiibtinimo oo taariikhi ah iyo mid amni, isla markaana ay Dawladda Federaalka Ethiopia xafiis ganacsi oo fuliya adeegyada xafiiska safaaradda ay ku leedahay Hargeysa.

Wasiirka Maaliyadda Ethiopia Axmed Shire, ayaa horaantii sannadkan Feb 19 2020, booqasho gaaban ku yimi Somaliland, isagoo xilligaa kulan Albaabada loo xidhay loo xidhay kula yeeshay Qasriga Madaxtooyadda Madaxweyne Biixi, balse socdaalka xilligan ee wefdiga Ethiopia ee uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Axmed Shire, ayaa kusoo beegmay iyadoo ay si weyn mandqada durba u saamaysay xiisada u dhaxaysa Ethiopia iyo Masar ee ka dhalatay isticmaalka Biyaha webiga Niilka oo si weyn  ay isugu khilaafsan yihiin labada dalka.

Sidoo kale, waxay booqashada xilligan ee wefdiga Ethiopia sida kediska ah ugu yimaadeen Hargeysa ay kusoo beegnatay maalmo kaddib markii wefdi ka socda dawladda Masar ay dhowaan yimaadeen Somaliland, sida ay warbaahinta gudaha ta gobolkuba qorayeen,  kuwaas oo kulamo la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, wawlaw marka laga yimaado booqashada wefdiga Masar oo  xukuumaddaha Somaliland goor danbe xaqiijisay, balse lagu macneeyay in ujeedada safarkooda ahaa oo keliya mid iskaashi labada dhinac.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Xukuumadda Somaliland, ayaa meesha ka saartay wararka sheegaya in ujeedada safarka wefdiga Masar uu ahaa mid la xidhiidhay khilaafka Webiga Niilka, isla markaana ay Somaliland u oggolaatay in ay siiso Saldhig Millateri dawladda Masar.

Akhri: Waa Kuma Ganacsadaha Watay Wefdiga Yaman Ee Xukuumadda Somaliland Ka Qaylisay Xaqiiqda Ujeedada Booshadiisa Hargeysa? Warbixin Carraale M. Jama