Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Sacad Cali Shire oo ay weheliyaan wasiir ku xigeenka iyo saraakiisha kale ee wasaaradda, ayaa saaka gollaha wakiillada hor geeyay miisaaniyadda 2022, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay qaabka ay u qorsheeyeen miisaaniyadda.

Wasiirka, ayaa gollaha ka siiyay warbixin qaabka ay usoo qorsheeyeen Miiisaaniyadda 2022, taas oo sida uu sheegay wadarta guud noqonaysa 3, 447Bilyan oo lacagta Somaliland ah, isla markaana 17% ka baddan miisaaniyaddii 2021,

Araweelo News Network
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire,oo miisaaniyadda 2022, sharaxaad ka bixinayan gollaha wakiiladda 27 December 2021, Araweelo News Network.

Wasiir Sacad, wuxuu sheegay in saddexdii bilood ee u danbeeyay qiimaha raashinku kordhay 14%, wuuxuna sharaxaad ka bixiyay sababta loo aannaynayo in qiimaha maceeshadu sidaa sare ugu kaco.

Sicir-bararka, ayuu sheegay in ay ku guulaysteen inay kasoo jediyaan 14%, Afartii sannadood ee u danbeeyay, waxaanu keenay 3.5% sannadkan 2021, isla markaana wuxuu xusay in 2022, qorshahoodu yahay in aannu ka korin inta u dhaxaysa 4% ilaa 5%,, balse wuxuu arrinta korodhka iyo kor u kaca maceesha ku macneeyay mid ay sabab u tahay xaaladdaha iyo durruufaha dunida ka jira, sida Coronavirus oo yareeyay wax-soo-saarkii iyo gaadiidka oo yaraaday, isagoo sidoo kale xusay in ay sabab u tahay wax-soo-saar la’aanta dalka ee sababtay in maceesha oo dhan aynu dibedda kasoo dhoofino.

ALT: Araweelo News Network
Mudanayaasha gollaha wakiillada Somaliland oo Wasiirka Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire, horgeeyay miisaaniyadda 2022, 27 December 2021, Araweelo News Network.

“Waxaanu qorshaynay in 10% laga dhimo cashuurta maceesha dibedda laga soo dhoofiyo, sida Bariiska, Baastada, Daqiiqda iyo maceeshada kale.” ayuu yidhi, Wasiirka Maaliyadda Somaliland, wuxuuse xusay in ay taasi tahay lixda bilood ee u horreeya 2022.

Marka laga hadlayo mudnaanta amniga, wuxuu sheegay in ay sannadkan ciidamadda loo kordhiyay 20%, sidoo kale wuxuu sheegay in la xoojiyay tirada , saannada iyo tayada ciidanka jamhuuriyadda Somaliland, waxaana loo qoondeeyay arrimaha amniga lacag ku dhow $100Milyan oo lacagta Maraykanka ah.

Biyaha ayuu sheegay in sanadkan 2022, miisaaniyadda loo kordhiyay 94%, halka caafimaadka uu sheegay in loo kordhiyay 32%, halka wasaradda waxbrashadda loo kordhiyay, qalabka Kaluumaysiga, Beeraha iyo waxyaabaha ceedhiin ee Wershedduhu isticmaalaan, ayuu sheegay in cashuur dhaaf loo sameeyay, iyadoo wasaaradda arrimaha Dibedda loo kordhiyay 20% miisaaniyadda 2022.

Wasiir Sacad, wuxuu sheegay in doorashooyinkii May ay ku baxday 21Bilyan, taas oo ahayd mid lagu talagalay muddo Afar sannadoo ahayd, isla markaana wuxuu xusay in 2022, loo qorsheeyay $4Milayn oo dollar, iyadoo 75%, ay bixinayaan taageerayaasha Somaliland, halka 25%, ay xukuumadda Somaliland bixinay karashka doorashada 2022.

Dhinaca kale, wuxuu wasiir Sacad sheegay in Idaacad cusub oo lagu qiimeeyay 11 Bilyan oo lacagta Somaliland ah si loo soo iibiyo Idaacad dalka oo dhan wada gaadha. sidoo kale kaabayaasha dhaqaallaha ayuu sheegay in loogu daray miisaaniyadda 2002, Dekedda Maydh, Waddada Ceergaabo ilaa Burco, , Sheekh ilaa Burco, Biya ballaadhinta Hargeysa, Biriiska Gebilay iyo Biya ballaadhinta Boorama.

Cashuuraha ayuu sheegay in aan Afartii sannadood ee u danbeeyay waxba lagu kordhin, balse dakhliga kordhaya ayuu sheegay in ay ku timi ballaadhinta cashuuraha ee aannay jirin cashuur la kordhiyay.

Wasiir Sacad oo ay weheliyaan wasiir ku xigeenka maaliyadda, Agaasimaha guud iyo saraakiisha kale, ayaa markaa kaddib muddanayaashu ku boobeen su’aalo la xidhiidha miisaaniyadda, waxaana su’aalahaa kasoo baxay qaarkodo mad-madaw baddan oo ay muddanayaashu bedka soo dhigeen.

Su’aalaha xildhibaanada iyo jawaabha ay ka bixiyeen wasiirka iyo masuuliyiinta kale kala soco Araweelo News Network.

Muuqalkan ka Daawo

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com