Araweelo News Network

Eng. Jama Elmi

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in shidaal laga soo saaro degaannada dalka Somaliland.
Wasiir Jaamac Maxamuud Cigaal oo warraysi siiyey telefiishanka Eryal TV , waxa uu sheegay in shirkadaha gacanta ku haya hawlaha sahaminta shidaalka, gaar ahaan shirkadda  Genel Energy ay caddeeyeen in baadhitaankooda ay ka soo baxday ceelal laga soo saari karo shidaal badan.

“Waanay sheegeen mar horeba shirkadihii baadhayey, waxayna ka bixiyeen tilmaan wanaagsan, waxay ku tilmaameen oo arrin muhiim ah, ninka madaxda ka ah shirkadda GENAL la yidhaahdo ee sahanka (survey-ga) ka waday gobollada Sarraar, Togdheer, Daad-madheedh ilaa iyo Hawd oo tusaale u soo qaatay oo uu yidhi; ‘Waxaan ka dareemayaa Somaliland si wixii aannu dareemaynay shan iyo toban sannadood ka hor meesha Kurdistan la yidhaahdo ee Woqooyiga Ciraaq oo meeshii la taab-taaba ay iminka shidaal tahay.’ Meeshii ay qodaanba shidaal ayaa ka soo dhiiqaya,” ayuu yidhi Wasiirka Macdantu.

Waxaannu intaas ku daray; “Marka shan iyo toban sannadood ka hor wixii ay ku arkayeen meesha la yidhaahdo Kurdistan, ayuu [Madaxa shirkadda GENAL] yidhi ‘Ayaannu ku arkaynaa Somaliland.’ Markaa halkaa rajo wanaagsan ayuu ka muujiyey, xaggan xeebta iyo gubbankaas Berbera-na, iyadana rajadaas rajo la mid ah ayaa laga filayaa.”

Haddaba, su’aalaha la weydiiyey Wasiirka Macdanta iyo jawaabaha uu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan;

Su’aal: Sahaminta shidaalka ee aad gobollada qaar ka wadaan, hadda waxa jira dad si u diidan oo ay dadka qaar leeyihiin; ‘In nalagu daro shaqaalaha sahaminta galaaya.’ Qaarba si ayey leeyihiin, dadkaas diidan maxaad ka leedahay?

Jawaab: Marka ay wax ku cusub yihiin, dad, shacbi iyo ummad, wax wal oo cusubi dhibtooda ayey leeyihiin oo in lala qabsadaa ayaa loo baahan yahay oo dadkeenu dad xun maaha, dad iimaan la’ ma’aha, dad waxyaabaha qaarkood ku talax-tagi kara ma’aha. Laakiin, xilli adag ayaa lagu jiraa oo qof weliba meesha yar ee wax ka bidhiiqaan inuu ka qeybgalo ayuun buu doonayaa, taasina ceeb ma’aha.
Su’aal: Wasiir, maxaa kale ee idiin qabsoomay?

Jawaab: Waxyaabo kale oo fara badan ayaa noo qabsoomay, waxa noo qabsoomay xeerarkii oo aannu dhammeystirnay, waannu geynay inta aannu dib u eegnay afar xeer ayaa la geeyey Golaha Baarlamaanka, waa Xeerka Laydhka ama Xoogga Korontada, Xeerka Macdanta, Xeerka Shidaalka oo laba ah. Afartaa xeer ayaannu gaynay oo aannu dib u habaynay oo aannu dib isula eegnay oo aakhirkiina Golaha Baarlamaanku iminka gacanta ku hayaa, lana filayo inay soo bandhigaan kalfadhiggan inay dhammaystiraan, sida aannu isla af-garanay Golaha Baarlamaanka.

Su’aal: Wasiir, waxa jira qaar ka mid ah shirkadaha laydhka oo si u cabanaya oo leh; ‘Wasiirka laftiisu shirkadda SOMPOWER ayuu markii horena ka mid ahaa, iminkana taageerayaa. Shirkadihii kale cuna-qabatay ayuu Wasiirkii ku hayaa.’ Arrimahaas oo dhan waa adiga eedda ay kuu soo jeedinayaan, maxaad isaga difaacaysaa?

Jawaab: Horta shirkadaha oo dhan ma’aha ee waa shirkadaha qaar ka mid ah, waanna runtoode shirkadda SOMPOWER waan ka shaqeyn jiray, oo Broad-ka (BoD) Shirkadda SOMPOWER ayaan ku jiray, laakiin, markaa shirkad ayaan ka shaqeynayey oo dee u shaqeynayey, iminkana mas’uul qaran ayaan ahay. Markaa aan shirkadda u shaqeynayeyna igama maydhnayn danta waddanku, haddii aad shirkad u shaqeynayso, oo waxay Soomaalidu tidhaahdaa; ‘Waxa ummusha u dan ah ayaa ilmaha-yarna u dan ah.’
Markaa aan shirkadda ka shaqeynayeyna, nin keligii uun doonaya inuu wax toocsado ama shirkad doonaysa inay keligeed uun wax liqdo ama danteeda oo qudha ka fikiraysay kamaan shaqeynaynine, waxa aannu ka shaqeynaynay shirkad aannu doonaynay inay macaashto, shaqayso, waajibaadkaas ay shacbiga u qaaday fuliso ee ah inay dadka koronto gaadhsiiso, isla markaana illaaliso danta waddanka.

Markaa nagamay madhnayn, mar haddii aad mas’uul tahay, waa in aanay kaa madhnaan danta guud, weligaaba dan gaar ah ka shaqeeyoo. Horta markaana danta guud nagamay maqnayn, iminkana waxaabanu u qaadnay xil, muwaadinnaba waa u ahay, shalayna shirkad ka shaqeynayey, maantana xil qaran u haya waddanka, wax iga mamnuucaya sharciyan ma jiro.

Waxay tahay in aan ku shaqeeyo wixii la ii igmaday ee aan u dhaartay oo ah danta waddanka, aniga oo aan ku kala eexanayn shirkado, aniga oo dan cid gaar ah eegayn, in aan sidii waddankaasi ku heli lahaa laydh tayo leh, nabad-qaba laga awoodi karo in aannu waddanka ka hirgelino, saddexdaa qodob ayaa ugu muhiimsan in la helo.

Saddexdaa qodob, aniga oo ka duulaya in waddanka la gaadhsiiyo laydh noocaas ah, waa laydh tayo leh, bad-qaba, la awoodi karo, waddankana inta ugu badan laga gaadhsiin karo ayaannu ka shaqeynaynaa, oo waa wax nagu waajib ah. Uga tudhimayno, ku diidi-maayo tallaabada habboon ee ay iila muuqato in ay dan u tahay waddanka, oo shirkad ayaa kaaga caban doonta ama mid aan ka shaqeyn jiray ha noqoto, ama mid aanan ka shaqeyn jiray ha noqotee, uga tudhimayno shaqadda in aannu sida ay tahay ee aannu u dhaaranay, ee nalagu ogyahay ee naloo igmaday aannu u qabanno. Taasi waa taa.

Haddaba, waxaan arkayey dhawaan shirkado, shirkadaha oo dhammi may cabanayne qaar ka mid ah ayaan runtii arkayey oo ay ka mid tahay shirkadda National Fuel Station ama Indha-birta la yidhaahdo iyo qoladan Gaafane Fuel Station. Labadaas shirkadood oo ixtiraam naga mudan, waddankana ka shaqeeya.

Shirkadahaas cabanayaa kolay aniga iimay iman oo intay ii yimaaddeen imay odhan; ‘Wasiir, waxaas iyo waxaa iyo waxaas ayaannu ka cabanaynaa, dhibaatadaasaa halkaa naga haysata, waxaa nala qabo,’ imay odhan, balse waxaan ku barraarugaan uun kolba iyaga oo Tv-ga ka hadlaaya, welibana sheeganaya inay shirkado kale u hadlayaan, iyada oo shirkadihii kale aniga ii yimaaddeen. Matelan, shirkaddan Telesom oo kale way ii timi waxay igu yidhaahdeen; ‘Kuma jirno qolyahaas Tv-ga ka cabanaya.’ Way ii yimaaddeen iyaga oo waxyaalahay u baahnaayeen ayey ii sheegeen, oo wixii aannu la qabankaraynay waannu la qabanay.

Iyagana kuwan qudhooda cabanayana ee aan noo iman, haddii ay noo yimaaddaan oo ay noo sheegtaan waxay u baahan yihiin, haddii ay suurtogal tahay oo aanay waddanka dhib u keenayn, oo ay iyaga dan u tahay, oo waddanka iyo shacbiga dan u tahay, waxa aannu la eegaynaa wixii lala qaban karayo,” ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland.