Araweelo News Network

Moh Hashi


Hargeysa (ANN)- Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in maalinta 26-ka June ay tahay taariikh ummadda reer Somaliland leedahay oo aan marnaba la iloobi karin, maadaama ay tahay waqtigii dalka Somaliland uu xornimada ka qaatay Boqortooyada Ingiriiska sannadkii 1960-kii.
Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo hadal ka jeediyey kulan masuuliyiin xukuumadda ka tirsan ay la yeesheen jaaliyadaha reer Somaliland ee dalka Sucuudiga, waxa uu jawaab ka bixiyey hadalo ka soo yeedhay Madaxweynaha dawladda aan iskeed isku maamulin ee Soomaaliya, kaasoo sheegay in loo baahan yahay midnimo mar kale dhexmarta Soomaaliya iyo Somaliland.
“Waa taariikh aynu ummad ahaan leenahay, waxaanan arkayey rag sheeg-sheeganaya oo ina hor marmarinaya. Ummadani maaha ummad taariikhdeeda ilawda, maha ah ummad taariikhdeeda nacda, mana ah, mana ah ummad taariikhdeeda ka tagta,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.
Waxa Wasiirka Madaxtooyadu tilmaamay in Soomaalida la soo guumaystay, isla markaana la kala qaybsaday, sidaa darteedna ay kala tagtay oo mid walba dhankeeda u noqotay dawlad gaar ah, waxaannu yidhi; “Ciddii u horaysay ee calan heshay inaga (Somaliland) ayey ahayd ee iska dirtay ninkii caddaa (Ingiriiska) ee haystay, kuwa kalena (Soomaalidii kale ee la guumaysanayey) cidda u doodaysay inaga ayey ahayd, waxaanan arkayey rag ina sheegta, iyadoo la baabiiyey taariikhda iyo dhaqankeennii 30-kii sannood (ee Somaliland qaybta ka ahayd Soomaaliya), waxaanna la inooga sheekeeyaa 13 nin oo SYL ah oo la yidhaah waxay xoreeyeen Soomaalida, iyadoo la dafirayo taariikhdeena ahayd in aynu inagu xoraynay Soomaalida, jibbadda, caadifadda iyo xammaasaddana inaga ayaa lahayn, suuggaanta lagu xoreeyeyna inaga ayaa lahayn.”
Waxa kaloo uu sheegay in dadka reer Somaliland ahaayeen cidda doonaysay midnimadii Soomaali-weyn, isla markaana dawladnimadoodii u horaysay geeyey Muqdisho si ay ula midoobaay Soomaaliya oo xornimo ka qaadatay Talyaaniga bishii July ee sannadkii 1960-kii, isagoo xusay in waqtigaas ay dadka Soomaaliya ee reer Muqdisho ay aaminsanayeen in bulshada reer Somaliland khaldan yihiin, taasoo muujinaysay in aanay reer Soomaaliya diyaar u ahayn midnimo Soomaali-weyn.
“Hadalkii uu jeediyey Farmaajo (Madaxweynaha Soomaaliya) ee uu ka hadlayey dadka reer Somaliland iyo qaddiyadooda, waxa ka muuqanayey dhalliil weyn, waxaannu ahaa hadal hoggaamiye oo weyd ah, waxaanna hadaladiisii ku jiray in ay koox yar kala hayso midnimada ummadda Soomaaliyeed, runtiina waa nasiib-darro weyn in aragtida hoggaamiyahaasi ay salka ku hayso qiimayntaas yar oo qudha. Midnimada Soomaaliyeed waxa kala haya, Soomaalidana kala irdheeyey, 27 sanno-na laba qaran ka dhigay oo maanta isagoo sheeganaya Madaxweynihii Soomaaliya aannu haddana maamuli karin Somaliland amma maamulin amma cagta soo dhigi karin, waxaanna taas keenay wixii ka dhacay Soomaali dhexdeeda, waxaanan moodayey inuu intaas fahamsan yahay,” ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.
Waxaannu intaas ku daray; “Utuntii, dulmigii iyo caddaalad-darradii la dhex dhigay Soomaali ee uu sameeyey maamulka dawladdii Maxamed Siyaad Barre ee ahaa Farmaajo adeerkii ayaa kala haya Soomaali (Somaliland iyo Soomaaliya), taas ayaana kala irdhaysay. Koox dan lihi Soomaali ma kala irdhayn, mana kala hayso, haddii uu u haysto in kooxaha xilalka kala hayaa ay kala irdheeyeen, cidna ma kala hayseen Soomaalida ee way isku dhex dhici lahayd, laakiin Soomaalidu maanta waxa ay maraysaan marxalad ay isba garan weydo oo aanay is aqoon. Ilmaha dhashay sannadkii 1991-kii amma dhashay sannadihii dhawr iyo siddeetankii ee ku garaadsaday madfaca iyo kaaruhu, waxba kama yaqaan Soomaalida.”