Araweelo News Network

 

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Iyo Masuuliyiin kale Mashruuca Biya Balaadhinta Hargeysa

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha Berked  weyn oo kayd biyood ah, taas oo qayb  ka ah mashruuca biyo balaahdinta Caasimada Hargeysa.

Mudane Maxamuud Xaashi oo ay wehelinayeen, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Maareeryaha Wakaalada biyaha, iyo gudida sare ee wakaaladaasi ayaa maanta sidoo kalena ka hadlay muhiimad ay Xukuumada madaxweyne SIilaanyo siisay mashruucda biyo balaadhinta caasimada Hargeysa.

 

 

Muj. Killeesh Oo salaamaya Wasiir Qabo

Wasiirka ayaa yidhi “ Saaka waxaannu halkan u nimid in aannu dhagax dhigno dhismaha Berkedda kaydka biyaha loogu tallo galay magaalada Hargeysa gaar ahaan xaafada Sheeddaha oo ah barkadii sagaalaad ee magaalada laga qodayey ee ka mid ahayd mashruuca biyo ballaadhinta caasimada. Shirkada Cocacola Afrika Foundation waxay qodaysaa afar barkadood oo ka mida sagaalkaas, oo tanu ay ku afar tahay, sadexda kalena shaqadoodii way socotaa imika, barkad waxa laga qodayaa xaafada masalaha, barkadna xaafada Ina Naxar, barkadna Siinge-siingaha ayaa laga qodayaa, waxa jira shan barkadood oo kale oo ay dawladda Jarmalku maal-galisay oo afartan la mid ah sagaalkaas barkadood waxay kaydin doonaa biyo dhan 16 000 meter cubic, magaaladu waxay hore u lahayd laba barkadood oo qudha, xiligii dawladii Ingiriiska hal barkad ayey lahayd, oo 1000 meter cubic qaada, xiligii dambe ee Kacaankana waxay Jayniisku dhiseen hal barkad oo kale ooo 3000 meter cubic qaada, afartaas kun ayaa kayd inoo ahaan karayey.”

Sidoo kalena Wasiirka Madaxtooyadda ayaa ka hadlay tirada dadka caasimada ku dhaqan iyo baaxda biyaha ay u baahan yihiinw isagoo yidhi “ Biyuhu sida la oghahay waa hal-bawlaha iyo saldhiga nolosha, halkana waa caasimadii qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxa ku nool bulsho aad u faro badan oo Malyuun iyo laba boqol oo kun oo qof gaadhaya, dadka Somaliland oo ilaa Afar milyan lagu qiyaaso, bulsho urursan oo Malyuun iyo laba boqol oo kun ahi inta ay ka tahay waad qiyaasi kartaa, waayo bulshada Somaliland ee kale waa bulsho firidhsan, marka in halkan ay biyo la’aan xoog lihi ka jirto waad dareemaysaa.

Xukuumadda Iyo xisbiga KULMIYE ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay u ahayd bar-tilmaameed in dadka caasimada ku dhaqani ay helaan biyo ku filan, 1,200, 000 oo qof oo caba biyo loogu tallo galay 120, 000 oo qof, waad garan kartaa culayskeeda.”

“Sidaa darteed ayaannu u aragnay inay muhiimad weyn tahay biyaha caasimaduna ay hal-bawle yihiin, mashaariicda ugu mudana yihiin, qorshe ayaannu samaynay Xukuumad ahaan qorshihii aannu samaynayna dunida ayaannu u bandhignay, waanu u yabooh tagnay, biyaha caasimada lagu samaynayaa lacag yar maaha kow iyo lixdan milyan $ 61 Milyan oo doolar ayaa maanta gelaya, oo dhaqaale aynu u bahaan nahay in laynagu taageero, waxaynu u mahad naqaynayaa hal abuurkii aanu la nimid dunidii naga taageertay, gaar ahaan dawladaha Midwoga Yurub oo bixiyey lacago ilaa 30 milyan ah, dawladda Jarmalka oo bixisay ilaa $23 milyan, Shirkada Cocacola Afrika oo bixisay ilaa $5 Milyan oo doolar, iyo $2 Milyan oo doolar oo sanduuqa SSDF laga kabayo gaabkii soo baxay, iyo hal malyuun oo ay Xukuumaddu bixinayso, waa $61 Milyan oo doolar, waa lacag aad u badan, waxa laga yaaba in dad badani la yaabo, biyuhu qalabakiisu waa qaali, waxana loo samaynaa nimdaam casri ah, dhul badan ayaa laysku xidhayaa, dadkaas badana waa la waraabiyaaa, biyuhu laba waji ayey lahaayeen, wajigii koowaad oo beeb casri ah la dhigayey hada gabagabo ayuu ku dhaw yahay, wajiga labaadna waa mashruuca labaad oo aanu ku rajo waynahay inuu ilaa 2018 dhamaado, ILAAHAY ayeynu ugu mahad celinayaa, dhammaan dadkii inagu taageerayna waynu u mahad celinaynaa, waxaan is leeyahay muhiimadii mashaariicdaa loo sameeyey waa la xaqiijiyey, dhammaan mashaariicdu waxay u hano qaadeen sidii laagu tallo galay.” Ayuu yidhi Wasiirka Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi.